YAAB: Oliver Giroud Oo Garankiisa Laga Waayey Suuqyada Iyo Sababta


Ma rumaysan kartaa in dukaamada iyo goobaha dharka lagu iibiyo ee AC Milan laga la’yahay garanka uu xidho weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud oo aan hore uga mid ahayn ciyaartoyda iibka dharkoodu fiican yahay?

Xiddiga reer France ayaa dukaamada kooxdiisa laga waayay garamadiisa, iyadoo saacado kooban gudahood ay ku xoomeen jamaahiirta kooxdaas.

Laacibkan oo ay AC Milan ku dartay liiska goolhayeyaasheeda saddexda usbuuc ee soo socda oo uu ganaax ku maqan yahay Mike Maignan oo casaan toos ah la siiyey kulankii Gerona, ayaa la geliyey goolka dhamaadkii ciyaartaas oo uu sameeyey badbaadin cajiib ahayd.

Christian Pulisic ayaa Milan u dhaliyey gool daqiiqaddii 90aad, laakiin ilbidhiqsiyo kaddib waxa casaan lagu saaray Mike Maignan oo qalad ku galay ciyaartoy Gerona ah, taas oo keentay in kaadh casaan ah la siiyo.

Waqtiga uu baxay Maignan, Milan ayaa isticmaashay dhamaan shantii beddel ee sharcigu u ogolaa, waxaanay taasi keentay in Giroud loo xidho golofisyada oo uu goolka tago, isaga oo xidhan No.9, waxaanu sameeyey badbaadin cajiib ahayd.

Dukaamada kooxda ayaa la dhigay garanka Giroud 9 oo ah kuwa goolhayeyaasha, waxaana isla markiiba boobay jamaahiirta kooxda oo urursaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*