Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa waji kale yeeshay kaddib kulamadii Axaddii maanta oo kala saaray kooxaha isku eryanaya figta sare, iyadoo Liverpool ay laba dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka.
Kooxda tababare Jurgen Klopp oo galabtii 2-1 kaga adkaatay Brighton oo gool kala hormartay, ayaa waxa fursad siiyey Arsenal iyo Manchester City oo barbarro goolal la’aan ah ku heshiiyey kulankoodii Etihad Stadium.
Wiilasha tababare Pep Guardiola ee Man City ayaa ahaa kuwa ku gacanta sarreeyey kubadda, laakiin Mikel Arteta iyo ciyaartoydiisa ayaa dheelay xeelad difaac oo marna dib loo wada noqonayo marna hore loo baxayo.
Liverpool ayaa hadda horyaalka ku hoggaaminaysa 67 dhibcood, waxaanay laba dhibcood ka horreysaa Arsenal oo kaalinta labaad fadhida, halka Manchester City oo saddexaad ku jirtana ay saddex dhibcood u dhexeeyaan.
Liverpool iyo Arsenal ayaa min lix ciyaarood oo Premier League ah dheeli doona bishan April ee Isniinta curanaysa, halka Manchester City ay dheeli doonto shan kulan oo horyaalka ah, laakiin saddexdoodaba waxa u raacaya ciyaaraha Yurub ee wareegga siddeedda oo labada lugoodba la dheelayo isla bisha April.
Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa waxa ay Khamiista toddobaadkan martigelin doontaa Sheffield United, kaddibna waxa ay safar uu tegi doontaa Manchester United oo hore uga soo reebtay tartanka FA Cup ka hor intii aan loo bixin kulamada caalamiga ah.
Arsenal ayaa iyaduna waxa ay Arbacada la ciyaari doontaa Luton Town oo ay uu xigi doonto Brighton, kaddibna waxa ay Aston Villa iyo Wolves, ka hor inta aanay isku diyaarinin labada ciyaarood ee aadka u adag ee Manchester United iyo Tottenham oo iskugu xigaya.
Manchester City oo lixda ciyaarood ee Premier League ee kusoo waajahan ay yihiin kuwo aad u fudud marka loo eego kooxaha ay xafiiltamayaan, ayaa waxa ay Arbacada la ciyaari doontaa Aston Villa oo Etihad Stadium kusoo booqan doonta, kaddibna waxa ay marti u noqon doonaan Crystal Palace Sabtida toddobaadka dambe.
Waa kuwan min lixda ciyaarood ee Premier League ee kusoo waajahan Liverpool, Arsenal iyo Man City
Lixda Ciyaarood ee kusoo waajahan Liverpool
Sheffield United (Minan) – April 4
Manchester United (Marti) – April 7
Crystal Palace (Minan) – April 14
Fulham (Marti) – April 21
Everton (Marti) – April 24
West Ham (Marti) – April 27
Lixda Ciyaarood ee kusoo waajahan Arsenal
Luton Town (Minan) – April 3
Brighton (Marti) – April 6
Aston Villa (Minan) – April 14
Wolves (Marti) – April 20
Chelsea (Minan) – April 23
Tottenham Hotspur (Marti) – April 28
Lixda Ciyaarood ee kusoo waajahan Man City
Aston Villa (Minan) – April 3
Crystal Palace (Marti) – April 6
Luton Town (Minan) – April 13
Brighton (Marti) – April 25
Nottingham Forest (Marti) – April 28
Wolves (Minan) – May 4
Be the first to comment