Zlatan Ibrahimovic Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Sheegaya Inuu Kusoo Laaban Doono Horyaalka Premier League Iyo Kooxdiisii Hore Ee Manchester United.

Weeraryahanka kooxda LA Galaxy ee Zlatan Ibrahimovic ayaa markii ugu horreysay ka jawaab celiyay xaqiiqada wararka dhawaanahan soo baxayay ee sheegaya inuu ku laaban doono horyaalka Premier League iyo kooxdiisii hore ee Man United.

Zlatan ayaa ku jira qaab ciyaareed il qabad leh kaddib markii uu 21 Gool kusoo dhaliyay 25 kulan waxaana bandhigyo midaas ka duwan ku sugan weeraryahanada Man United oo uu ugu horreeyo Romelu Lukaku kuwaas oo shabaqa ka fogaaday.

37 jirkan ree Sweden ayaa sheegay inuu haatan kaliya diirada saarayo horyaalka MLS isaga oo dhinaca kale sheegay inuusan ka fikirayn waxyaabo kale waana hadal si dadban u sheegaya in kusoo laabashadii PL aysan macquul ahayn.

Ibra ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan filayaa inaan ku jiro xaalad aan u baahanahay inaan isku dheeli tirnaan wanaagsan ka yeesho shaqada iyo nasashada, Sababtoo ah waxaan kasoo laabtay dhaawac,  sababta da’deyda iyo culayska aan ku bixinayo tababarka”

“Maaha wax aan ka fikirayay sababtoo ah waxa wali noo hadhsan laba kulan, Waxaan ku rajo weynahay inaan gaadhi doono kulamada bug-baxa, Wax intaas ka badan ma garanayo ma doonayo inaan wax ka yidhaa sababtoo ah diirada ma saarin, Wax fikir ah maan galin”

Zlatan ayaa hore tababare Jose Mourinho ugula soo shaqeeyay kooxda Inter Milan isaga oo hal xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa halkaas 29 gool dhaliyay halka uu markale 29 gool dhaliyay 53 kulan oo uu kaga hoos ciyaaray Manchester United.