Kadib Dhamaystirka Real Madrid Ee Eden Hazard & Saxiixyada Kale, Shaxahan Ayuu Zinedine Zidane Ku Soo Shirtagi Karaa

Zinedine Zidane ayaa isku diyaarinaya xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay oo dhamaystiran ee tan iyo markii uu Santiago Bernabeu si lama filaan ah ugu soo laabtay, laakiin Zidane ayaa markan noqday tababare awood badan oo maamulka Madrid wax badan ku qancinaya.

Real Madrid ayaa Zinedine Zidane  ka caawinaysa in uu dhisto kooxda uu ka doonayo Bernabeu si uu ugula tartamo Barcelona oo horyaalka Spain iyo Copa del Rey wax badan soo muulaysay isla markaana uu ugu guulaysan karo koobka Champions league.

Real Madrid ayaa iyada oo ka duulaysa xanuunka dhibaatadii xili ciyaareedkii dhamaaday soo martay waxay noqotay kooxda ugu saamaynt abadan ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyada oo haddaba kharash garaysay ku dhawaad 300 milyan yuro.

Real Madrid waxay haddaba xagaagan heshiiskooda dhamaystirtay saxiixyada Luka Jovic, Eden Hazard iyo Mendy oo ah ciyaartoyga ugu danbeeyay ee heshiiskiisa lagu dhawaaqay, waxaana la filayaa in mashruuca Zidane aanu wali dhamaystirnayn.

Haddaba haddii ayna Real Madrid saxiix danbe samayn waxa uu haddaba Zinedine Zidane  haystaa ciyaartoy ku filan oo uu ku shaqayn karo kuwaas oo uu xataa ka samayn karo saddex ama xataa afar shaxood oo kala duwan.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa saddexda shaxdood ee uu Zidane ku shaqayn karo haddii ayna xataa kooxdiisa madrid wax saxiixyo cusub ah samayn.

Shaxda Kowaad Ee Uu Zidane Dookha Kowaad Ka dhigan karto

Kaydka: Marco Asensio, Militao, Lucas Vazguez, Isco, Mariano Diaz, Marcelo, Odriozola,  Braim Diaz.

Shaxda Labaad Ee Uu Zidane  Soo Shirtagi Karo

Kaydka: Marco Asensio, Militao, Lucas Vazguez, Isco, Mariano Diaz, Mendy, Carvajal,  Karim Benzema,  Braim Diaz.

Shaxda Saddexaad Ee Uu Zidane Ku Ciyaari Karo:

Kaydka: Marco Asensio, Varane, Lucas Vazguez, Isco, Mariano Diaz, Marcelo, Odriozola,  Braim Diaz.

Haddaba akhriste, haddii aad taageere u tahay kooxda Real Madrid saddexdan shaxood midkeed jeclaan lahayd in uu Zidane ku soo shirtago haddii ay dhacdo in aan ciyaartoy kale lala soo wareegin?

2 Comments

  1. Tan u horeysa lkn weli dhexdan ka jilicsanhy bl dib haloogu noqdo suuqa arma pogba lakeena

Comments are closed.