Zinedine Zidane Oo Xaqiijiyay In Rafael Varane Uu Dhaawac Ku Seegi Doono Kulanka La Liga Ay Kula Ciyaari Doonaan Kooxda Sevilla. Muxuuse Ka Yidhi Guushii Ay Ka Gaadheen Borussia Dortmund?.

Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay in difaacyada kooxdiisa Rafael Varane iyo Jesús Vallejo ay ka dhawaacmeen, wuxuuna hadalkan imaanayaa kadib marka uu soo idlaaday kulankii Champions League ee Borussia Dortmund.

Zinedine Zidane ayaa wuxuu ka warbixiyay xaalada dhaawac ee labadan difaac wuxuuna ugu horeyn hadalkiisa ku bilaaway: “Rafael Varane waxaa soo gaadhay dhaawac, wuxuu mari doonaa baaritaano kala duwan si loo ogaado xaalada dhaawaca soo gaadhay iyo heerka uu gaadhsiisan yahay, laakiin waxaa hubaal ah inuu seegi doono kulanka La Liga ee Sevilla, sidoo kale dhaawaca Jesús Vallejo maahan mid sidaa u sii daran, balse wuxuu u baahan yahay in la qiimeeyo, kahor kulanka Sevilla waa hubaal in dhibaatada ugu weyn ay ka jirto dhanka difaaca, balse wax walwal ah kama qabi doono arintan”.

Xalalka uu u heli karo dhaawacyada ay kaga maqan yimiin labadan xidig iyo ganaaxa Sergio Ramos ayuu Zidane sheegay: “Marcos Llorente wuxuu horey kaga soo ciyaaray qeybta dambe ee difaaca, laakiin xiligaas ma uusan ka tirsan kooxda koowaad ee Real Madrid, bal aan aragno sida aan ka yeeli doono kulanka soo aadan aan la ciyaari doono Sevilla”.

Dhinaca kale Zidane ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay qaab ciyaareedka ay kooxdiisa Real Madrid kusoo bandhigtay kulankii Borussia Dortmund wuxuuna yidhi: “Waxaan ciyaarta ku bilaawanay heerkii ugu fiicnaa, laakiin dhaawacii soo gaadhay Rafael Varane ayaad moodaa in yara uu saameyn nagu yeeshay, 30-kii daqiiqo ugu dambeeyay kulanka sidoo kale dib ayaan u helnay qaab ciyaareedkii wanaagsanaa ee kulanka aan kaga bilaawanay, in 3 gool aad dhaliso kulan sidaan u adag waa wax wanaagsan, sidoo kale waxaa muhiim ahayd qeybtii dambe ee kulanka ay badal ku yimaadaan Marcos Llorente iyo Dani Ceballos”.