Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Ee Kulanka Ay Real Madrid La Ciyaari Doonto Real Socidad, Ayaa Maqan Ayaase Soo Laabtay?

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee uu shaxdiisa ka soo xulan doono kulanka La Ligaha ee Real Madrid ay Bernabeu ku soo dhawayn doonto kooxda Real Sociedad. Kadib markii laga cidhibtiray tartanka Copa Del Rey isla markaana ay sanadkan cusub dhibaatooyin kala duwan la soo kulantay, ayuu Zidane doonayaa in kooxdiisa uu dib ugu soo celiyo tubta saxda ah.

Waxaa liiska Real Madrid wali ka maqan Luka Modric,Dani Carvajal,  Marcelo, James Rodriguez, Pepe iyo Gareth Bale oo dhaawac waqti dheer ah ku maqan, laakiin waxaa liiska Real Madrid ku soo baxay isla markaana kulanka Real Sociedad diyaar u ah Raphael Varane oo liiska ciyaartoyda maqan ku jiray.inkasta oo Marcelo uu si wayn uga dhex muuqday tababarkii kooxdiisa haddana suurtogal may noqon in uu liiskan ku soo baxo.

Zidane ayaa markale liiska kooxdiisa ku soo darsaday da’yarka Archraf balse waxaa ka qaman wiilkiisa Enzo Zidane oo uu kulankii Celta Vigo ee Copa Del Rey liiska kooxdiisa ku soo daray. Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, Lucas Vazguez, Mariano Diaz iyo Alvaro Morata ayaa weerarka ku wada jira.

LIISKA REAL MADRID EE KULANKA REAL SOCIEDAD:

Goolhaye: Navas, Casilla iyo Yáñez.

Difaaca: Ramos, Varane, Nacho, Coentrão, Danilo iyo Achraf.

Khadka Dhexe: Kroos, Casemiro, Kovacic, Asensio iyo Isco.

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Benzema, Lucas Vázquez, Mariano iyo Morata.

Comments

comments