Haddii Aanan Go’aanada Kooxda Qaadanayn Waan Baxayaa- Zinedine Zidane Oo Hanjabaad Layaableh U Diray Florentino Perez.

Zinedine Zidane ayaa ku hanjabay in aanu ka laba-labayn doonin in uu shaqada Real Madrid iska casilo haddii faraha looga qaadi waayo maamulka kooxdiisa.

Warbaahinta Spain ayaa soo bandhigay in Zinedine Zidane iyo Florentino Perez ay haddaba isku khilaafsan yihiin shaqsiga nogonaya goolhayaha labaad ee Real Madrid.

Zinedine Zidane oo xili ciyaareedkii la soo dhaafay shaqada Madrid si layaableh iskaga casilay ayaa si adag ugu hanjabay in uu markii labaad iscasili doono haddii kooxda lagu soo faro galiyo.

Keylor Navas ayaa haddaba lagu war galiyay in uu kooxda dheeraad ku yahay waxaana  Courtois loo qaatay in uu noqdo goolhayaha kowaad balse khilaafka ayaa salka ku haya cida noqonaysa badalka  Courtois.

Zinedine Zidane ayaa doonaya in wiilkiisa Luca Zidane uu noqdo goolhayaha labaad ee uu  Courtois ku nasinayo halka Florentino Perez uu doonayo in Andriy Lunin uu noqdo goolhayaha labaad.

Iyada oo warbaahinta Spain hore u soo bandhigtay in Perez iyo Zidane isku khilaafsan yihiin Luca Zidane, ayuu macalinka reer

Zidane ayaa shirkiisii jaraa’id ee sabtida ku sheegay: “Waxaan idiin sheegi doonaa cida doonaysa in ay goolhayaha kowaad iyo goolhayaha labaad noqoto xili ciyaareedka soo socda”.

Zidane oo fariin u diraya maamulka kooxdiisa ayaa saxaafada u cadeeyay in uu go’aankiisu socon doono wuxuuna yidhi: “Dabcan , go’aankayga ayay noqon doontaa. Ayaad ka fikiraysaan in uu kooxda go’aamada u gaadho? Taasi sida biyaha ayay u cadahay”.

Laakiin Zidane oo digniin layaableh jeedinaya ayaa yidhi: “Aniga ayaa tababaraha ah isla markana aniga ayaa go’aamadayda samayn doona, haddii kale anigu waan baxayaa”.

Zidane oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waxaan tixraacayaa xulshada kooxda ee waxyaabaha la xidhiidha suuqa kala iibsiga- waxaa jira dad kale oo ka shaqeeya, si wada jir ah ayaanu u samaynaa”.

” Laakiin doorashada kooxda ee cida imanaysa iyo cida baxaysa taasi waa go’aankayga oo aan la qaadanayo shaqaalahayga”.

Zidane oo ka hadlaya wiilkiisa Luca Zidane ayaa yidhi: “Waxa uu isagu ka soo baxay hanaanka (da’yarta), waxa uu halkan yimid isaga oo aad u da’yar, wuxuuna cadeeyay in uu golhaye heer sare ah yahay. Anigu waxba isaga kooxda umaan waydiin, wax walba way kala cadaan doonaan, laakiin waxba isku badali maayaan in uu wiilkayga yahay oo kaliya”.

Hadalkan sida layaabka leh uga soo yeedhay Zidane ayaa muujinaya in aanu wax cabsi ah ka qabin in uu markii labaad kooxda iska casilo haddii go’aanadiisa loo madax banaanayn waayo.

Hadda Florentino Perez ayaa markale halis galinaya in Zidane ku qasbo in uu shaqada iska casilo maadaama oo uu doonayo in uu iskii ugu madax banaanaado ciyaartoyda uu doonayo inuu ku shaqeeyo.