Zidane Oo Markale Difaacay Xidiga Ay Isku Dalka Yihiin Ee Karim Benzema, Isagoo Dhinaca Kale Francisco Isco Ku Amaanay Bandhigiisa Kulankii Malaga.

Macalinka kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa wuxuu markale difaacay dhaliyaha kooxdiisa ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Karim Benzema, kadib markii uusan gool ka dhalinin kulankii xalay ay  guusha kaga gaaareen kooxda Malaga ee ka tirsanaa kulamada 32-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Zinedine Zidane ayaa kulanka kadib la wadaagay saxaafada: “Xili ciyaareedka Benzema ee dhanka gool dhalinta waa mid aad u adag, laakiin ma niyad jabi doono, Benzema wuxuu doonayaa inuu dhaliyo gool aan shaki ku jirin, dhinaca kale waa ciyaaryahan weyn, wuxuu leeyahay faahfaahin aad u fiican ee gudaha garoonka, wuxuu bixinayaa qaab ciyaareed aad u wanaagsan”.

Dhinaca kale Zidane ayaa wuxuu ka hadlay sababta uusan Gareth Bale ugu soo darsan liiskiisa kulankan wuxuuna yidhi: “Gareth Bale wuxuu ku gudi jiraa xaalad fiican, wuxuu Madrid ugu soo haray si uu nasiino u qaato sida qaar ka mid ah ciyaartoyda kale, suuragal ma noqoneyso in dhamaan ciyaartoyda ay nasiino qaataan, kulanka arbacada waxaan arki doonaa sida aan u ciyaari doono, kahor kulanka Bayern Munich ee UCL”.

“Waxaan kaga soo tagay Madrid qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda, sababtoo ah waxaan ka fikirayaa inta ka dhiman xilli ciyaareedka iyo kulamada afar dhamaadka Champions League, waxaan dooneenay inaan isku dheeli tirno ciyaartoyda, Maanta waxaan ciyaarnay kulan halis ah, waxaan ixtiraamnaa kooxaha naga soo hor jeeda ee ku jira boosaska xun”.

Zinedine Zidane ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay ka hadalka bandhiga uu Isco ka sameeyay kulanka Malaga: “Waxaa suuragal ah in qaar ka mid ah ay u fikiraan si ka duwan, lakiin aniga ahaan Isco waa muhiim, mar walba waxaan cadeenayaa inuu heli doono daqiiqado, xili ciyaareedkan wuxuu ciyaaray in ka badan xili ciyaareedkii hore, Maanta wuxuu dib ugu soo laabtay gurigiisa wuxuuna dhaliyay gool, waxaan u faraxsanahay isaga dartiis”.