Yaya Toure Oo Sharaxay Sababta Kaliya Ee Uu Mikel Arteta Ku Noqon Karo Tababare Heer Caalami Ah.

Halyaygii hore ee xulka qaranka Ivory Coast iyo kooxaha Barcelona iyo Manchester City ee Yaya Toure ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta kaliya ee uu tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta uu ku noqon karo tababare heer caalami ah.

Yaya Toure ayaa sheegay in  Mikel Arteta uu noqon doono tababare heer caalami ah haddii ay maamulka Arsenal ku taageeraan lacag uu suuqa kala iibsiga la galo si uu kooxda dib u dhis fiican ugu samayn karo.

Mikel Arteta ayaa ka soo kabsanaya xanuunka coronavirus oo ku dhacay waxaana la filayaa in uu diyaar buuxa u noqon doono kulamada Premier league marka la soo gaadho dhamaadka bisha fooda inagu soo haysa ee April.

Laakiin Toure ayaa aaminsan in taageero dhaqaale oo uu maamulka Gunners siiyo  Mikel Arteta ay macalinka reer Spain ka caawin doono in uu noqdo tababare heer caalami ah.

Yaya Toure oo ka hadlaya Mikel Arteta ayaa yidhi:”Waxaan filayaa in Arteta uu noqon doono tababare aad iyo aad u fiican. Laba sanadood ayaan isaga kula shaqeeyay Man City, waxaanan arkay isaga oo shaqada ku jira”.

Yaya Toure ayaa maamulka Arsenal u soo jeediyay in ay Arteta ku taageeraan dhaqaale si uu u noqdo ka aduunka ugu fiican wuxuuna yidhi: “Waxaan doonayaa in Arsenal ay in ka badan kharash garayso oo ay isaga taageeraan, sababtoo ah waxa uu isagu noqon karaa mid ka mid ah kuwa aduunka ugu fiican haddii ay boodhku isaga u ogolaadaan waxa uu doonayo in uu sameeyo”.

Mulkiilayaasha Arsenal ayaa waqti dheer lagu soo eedaynayay in ay yihiin kuwo aan maal galinta kooxdooda u hagar bixin taas oo keentay in hoos u dhax laxaadleh ay wajahayso Gunners.

Intii uu Arteta hayay xilka Arsenal waxaa soo maray suuqii January ee sanadkan waxayna Gunners  siyaabo kala duwan oo aan lacag badan lahayn kula soo saxixiday Pablo Mari iyo Cedric Soares.

Laakiin waxaa la sugayaa nooca taageerada dhaqaale ee uu Arteta ka heli doono mulkiilayaasha kooxdiisa Arsenal marka uu xili ciyaareedkani soo dhamaado ee uu suuqa xagaagu si rasmi ah u furmo.