Yaanan Ku Feedhin – Pep Guardiola Oo Gacanta U Duubtay Wariye Su’aalo Uu Dhibsaday Weydiiyay & Jose Mourinho Oo Sabab U Ah.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa u muuqday mid si kaftan ah gacantaugu duubtay isla markaana ishaarada feedhka siiyay mid kamid ah wariyayasha waraysiga ka qaadaysay kahor kulanka Champions League ee ay booqan doonaan Lyon.

Wariye ree France ah ayaa weydiiyay tababare Guardiola su’aalo la xidhiidha Jose Mourinho iyo taaktikada tababaraha ree Portugal ee hanaanka difaaceed ku salaysan.

Wariyaha ree France ayaa weydiiyay Pep haddii uu ugu diyaar garoobi lahaa kulamada koobabka Yurub qaab daafacasho kahor intii uusan raacsan su’aal kale oo toos ah oo uu ku weydiinayo midka fiican isaga iyo cadawgiisa mudada dheer.

Tababaraha Manchester City ayaa si kaftan ah ugu jawaabay gacan duubasho isaga oo gacantiisa ka dhigay sidiiyoo ay feedh isku diyaarinayso kuna aadiyay wariyaha su’aashan weydiiyay.

Guardiola oo jawaab siinaya wariyahan ayaa yidhi “Anigu ma ihi ninka ka jawaabaya midaas, Ma jiro qof loo damaanad qaaday hab ciyaareed si uu ugu guuleysto Champions League”

“Ma jiro qof ii hubaal iiga dhigaya in ciyaarista hab daafac ay guuleysan doonto, Xataa habka aanu u ciyaarno kuguma guulayn doonto Champions League”

“Waxa ugu badan ee aan samayn karno waa inaan u ciyaarno sida aan doonayno inaan u ciyaarno, Taasina waa waxa ugu badan ee aan hubaal kaaga dhigi karo”

Guardiola iyo Mourinho ayaa leh xifaaltan soo jireen ah gaar ahaan marka dib loo jaleeco waayahoodii Spain ee ay kala hoggaaminayeen Barcelona iyo Real Madrid sida ay u kala horreeyaan.

Sababta ugu weyn ee ay labadan shaqsi sida xoogan ugu soo xifaaltamayeen ayaa lagu sheegaa hab ciyaareedkooda oo ah mid gabi ahaanba is khilaafsan, Pep ayaa jecel ciyaarta weerarka iyo haysashada kubadda halka Special One uu ku fikiro sidii uu saddexda dhibcood ku heli lahaa walow haba daafactamee.