YAAB: Wuxuu Soo Laabashada Kubadda Cagta Sugayay 68 Maalmood Waxaana Kaadh Cas Loo Taagay Markuu 4 Daqiiqo Ciyaarayay

Kubadda cagta caalamka gaar ahaan qaarada Yurub ayaa in ka badan mudo laba bilood ah loo joojiyay sababta xanuunka dilaaga ah ee Korona balse toddobaadkan ayay ahayd markii mucaashaqiinta ciyaarahaasi ay farxad heleen.

Horyaalka Germany ee Bundesliga ayaa noqday midkii ugu horreeyay ee weyn ee soo laabtay iyadoo la bilaabay 16-kii bishan May oo ku beegnayd dorraad oo Sabti ahayd.

Soo laabashada kubadda cagta ayaa ahayd mid lagu arkay arrimo cusub oo amakaag leh sida inaan xiddigaha isku kooxda ahi aysan wada dabaaldegi karin marka ay gool dhaliyaan iyaga oo ilaalinaya sharciga kala fogaanshaha bulshada.

Dhacdo kale oo amakaageeda leh ayaa ka dhacday horyaalka heerka labaad ee Germany ee Bundesliga 2 iyadoo qabsatay kabtanka kooxda Sandhausen ee Dennis Diekmeier.

Diekmeier ayaa si lamid ah ciyaartoyda kale mudo sugayay inay soo laabato kubadda cagtu iyadoo isaga si gaar ahaaneed ay 68 maalmood uga maqnayd balse waxa uu kusoo dhaweeyay kaadh casaan ah.

Diekmeier ayaa haddiiba uu 68 maalmood sugayay soo laabashada kubadda cagta kaliya 4 daqiiqo kaga baxay garoonka isaga oo kaadh casaan ah loo taagay kulan ay kooxdiisu guuldarro 3-1 ah kala kulantay Erzgebirge Aue.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

1 Comment

Comments are closed.