YAAB: Weeraryahan Maanta U Saxeexay Kooxdiisii 29-aad Ee Waayihiisa Ciyaareed, Inuu Xataa Door Tababarenimo Mar Soo Noqday & Da’da Uu Wali Kusii Ciyaarayo.

Weeraryahanka ree Uruguay ee Sebastián Abreu oo si guud ahaaneed ugu caan ah naanaysta El Loco ayaa maanta qalinka ugu duugay heshiis kooxdiisii 29-aad ee xirfadiisa ciyaareed oo noqotay kooxda dalkiisa Uruguay ee Boston River.

El Loco oo lagu xasuusto inuu ahaa xiddigii xulka qaranka Uruguay usoo dhaliyay rigoorihii guusha ee kulankii muranka dhaliyay ee ay guusha ka gaadheen Ghana 2010-kii ayaa sidoo kale soo qaatay wakhti tababarenimo.

42 sano jirkan ayaa soo maamulay kooxda Santa Tecla isaga oo xataa kula soo guuleystay koobka Copa El Salvador balse waxa uu markale iska caabin kari waayay kusoo laabashada kubadda cagta.

Shaqsigii hore u haystay rekoodhka uu haatan El Loco sameeyay ee xiddiga ugu kooxaha badan abid ayaa ahaa Lutz Pfannenstiel kaas oo 25 kooxood oo kala duwan soo matalay.

Rekoodhka El Loco ee haatan ayaa ah mid u muuqda mid aan abid la jabin karin waxaana aad u adkaan doonto in markale la helo xiddig 29 kulan soo matala.

Liiska 29 Kooxood Ee Uu Soo Matalay Sebastián Abreu Waayihiisa Ciyaareed Oo Dhammaystiran

Defensor Sporting, San Lorenzo de Almagro, Deportivo La Coruña, Gremio, Tecos, Nacional, Cruz Azul, América, Dorados de Sinaloa, Monterrey, San Luis, Tigres, River Plate, Real Sociedad, Aris Salónica, Botafogo, Figueirense, Rosario Central, Aucas, Sol de América, Santa Tecla, Bangu, Central Español, Puerto Montt, Audax Italiano, Deportes Magallanes y Rio Branco.