YAAB: Tababare Zinadine Zidane Wuu Ku Farxay Guuldarradii Kooxdiisa Kasoo Gaadhay Tottenham & Sababta Keentay Oo La Shaaciyay.

Real Madrid ayaa halkeeda kasii wadata qaab ciyaareed xumada ay ku bilaabatay kulamada ka horreeya xilli ciyaareedka waxaana ay guuldarro kale kala kulmeen kooxda ree England ee Tottenham oo 0-1 kaga guuleysatay kulamada tartanka Audi Cup.

Kulankaas ayaa ahaa mid tababare Zidane uu soo xushay shax xoogan si lamid ah dhigiisa Pochettino balse gool uu qalad weyn ku lahaa Marcelo Vieira oo uu dhaliyay Harry Kane ayaa ku sababay guuldarro kale.

Guuldarradaas ayaa marka dhinaca kale laga eego guul u ahayd tababare Zinadine Zidane sida uu sheegay khabiir Dermot Corrigan maadaama ay haatan maamulka Los Blancos ku qancayaan u dhaqaaqista saxeexa Paul Pogba.

Corrigan ayaa sheegaya in Pogba uu ahaa bar-tilmaameedka ugu weyn ee Zidane ee khadka dhexe isla markaana ay kulamadii saaxiibtinimo soo caddeeyeen sida ay kooxd ugu baahantahay saxeexa khad dhexe.

Maamulka sarre ee kooxda oo hore uga dhago adaygay inay bixiyaan dhammaan lacagata ay Man United ku doonayso Pogba ayaa haatan raaci kara go’aanka Zidane oo bixin kara lacagtaas kaddib markay arkaan baahida dhabta ah ee khadka dhexe ka jirta.

Dermot Corrigan oo faah-faahin bixinaya ayaa yidhi “Dareenka aan ka helay Santiago Bernabeu ayaa ah in haatan Zinadine Zidane uu wali jeclaan lahaa inuu lasoo saxeexdo Pogba”

“Waxa uu ahaa bar-tilmaameedkiisa koowaad ee khadka dhexe ilaa March/April markii uu Zinadine Zidane kusoo laabtay Bernabeu saxaafada horteeda ayuu kaga hadlayay sida uu cajiibka u yahay Pogba”

“Qaabka ay kulamada ka horreeya xilli ciyaareedka ee Madrid u dhaceen ilaa haatan ayaa Zidane ka caawiyay inay kooxdu bixiso xadiga lacagta ah ee ay u baahan yihiin si ay u helaan Pogba sababtoo ah natiijooyinku may ahayn kuwo wanaagsan, Qaab ciyaareedyadu may ahayn kuwo wanaagsan”.