YAAB: Man United Oo Xaalad Adag Kaga Jirta Suuqa Kala Iibsiga & 35 Jir Ay 11 Sano Kahor Fasaxeen Oo Ay Imika Doonayaan!!.

Advertisements

Kaddib dhaawacyada dishooday xilli ciyaareedkan iyo qaab ciyaareedkooda musiibada ah, Manchester United ayaa sidoo kale xaalad aad u adag kaga jirta dhinaca suuqa kala iibsiga iyagoon ilaa haatan wax saxeex ah samayn bishan January.

Advertisements

Kaddib dhaawacyadii xiddigo ay ugu muhiimsan yihiin Paul Pogba iyo Scott McTominay, Waxa sidoo kale uu dhaawac dhabarka ka gaadhay xiddigii ugu goolasha badnaa kooxdaas xilli ciyaareedkan ee Marcus Rashford.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa raadinaya weeraryahan cusub waxaana uu wargeyska Tuttosport soo wariyay warkii ugu layaabka badnaa maanta kaddib markii uu xusay in Red Devils ay ku raad joogaan saxeexa Carlos Tevez.

Tevez ayaa haatan ah 35 sano jir waxaana uu wakhtigiisii saddexaad la qaadanayaa kooxda magaaladiisa ee Boca Junior balse waxa xusid mudan in heshiiskiisu uu dhacayo dhammaadka bisha June.

Tevez ayaa walow aan la filayn in jamaahiirta United ay jeclaysan doonaan saxeexiisa haddana haddiiba uu kusoo biiro kusoo kordhin kara khibrad iyo garasho uu u leeyahay Premier League oo ay mudo gaaban adeegsan karaan.

11 sano kahor ayay ahayd markii Carlos uu ka baxay Old Trafford isaga oo wakhtigaas u wareegay kooxda ay magaalo xifaaltamaan United ee Manchester City.

35 sano jirkan ayaa United ku qaatay intii u dhaxaysay sanadihii 2007 ilaa 2009 isaga oo 34 gool usoo dhaliyay mudadaas laba horyaalna kula soo guuleystay laba xilli ciyaareed oo uu joogay.

 

Advertisements