YAAB: Madaxweyne Perez Oo Madaxda Real Madrid U Sheegay Arrin Layaab Leh Oo Ku Saabsan Heshiisyadii Fashilmay Ee Paul Pogba Iyo Neymar.

Florentino Perez Oo Caawin Ka Helaya Shirkada Adidas
Florentino Perez Oo Caawin Ka Helaya Shirkada Adidas

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa lagu soo warramayaa inuu kulan dhawaan la qaatay xubnaha boodhka sarre ee kooxdiisa si uu uga warramo sababta keentay fashilkii heshiisyadii ay ku doonayeen Neymar JR iyo Paul Pogba.

Real ayaa suuqa si baahsan u gashay xagaagan waxaana ay ku bixiyeen lacago ka badan 300 Milyan oo euro si ay usoo dhammeeyaan heshiisyada shan ciyaartoy oo ay ku jiraan Eden Hazard iyo Luka Jovic.

Intaa waxa dheeraa in kooxda caasimada Spain lala xidhiidhinayay magacyo kale oo dhawr ah oo ay ugu horreeyeen Neymar oo ugu dambayn PSG ku negaaday iyo Pogba oo qudhiisu kasoo bixi kari waayay Man United.

Wargeyska Marca ayaa haatan sheegaya in Perez kulanka uu la qaatay boodhka Los Blancos uu ku sheegay inaysan kooxdu gabi ahaanba doonayn saxeexyada Pogba iyo Neymar.

Perez ayaa sababta ka dhigay inay noqon lahayd maal-gelin ka bad-badis ah haddii ay ciyaartoydaas lasoo wareegi lahaayeen isla markaana aysan doonayn bixinta lacago sidaa u badan oo ay kooxda geliyaan.

Sida lasoo xiganayo, Perez waxa uu madaxda sarre ee Real Madrid u sheegay in Man United aysan doonayn inay iska iibiso Pogba isagoo heshiiska Neymar-na ku tilmaamay mid ay kaliya saxaafadu daba waday.