YAAB: Ma Sidan Oo Dhan Ayay Barcelona Ugu Waalanaysaa Neymar? Barca Oo Heshiis Layaab Leh PSG U Bandhigtay & Jawaabta Kooxda Ree France Bixisay.

Barcelona ayaa u muuqata mid waxkasta u samaynaysa sidii ay kooxdeeda suuqa xagaagan ugu soo xoojin lahayd xiddigii laba sano kahor daciifiyay ee Neymar JR kaas oo haatan qayb ka ah Paris Saint-Germain.

Maalmaha suuqa kala iibsiga ayaa socda waxaana ay Barca wadaa qorshayaal badan oo ay ku samaynayso ganacsi isla markaana ujeedka koowaad uu haatan yahay dhammaystirka saxeexa Antoine Greizmann oo intiisa ugu badan ay dhammeeyeen.

Barcelona ayaa kasoo dhammaatay dhinaca Atletico Madrid waxaana ay shalay si rasmi ah 120-kii Milyan ee lagu bur-burin karayay heshiiska Greizmann geeyeen xarunta guud ee horyaalka La Liga.

Dhinaca kale marnaba lama filayo in soo xero-galinta Neymar ay noqon doonto mid u sahlan sida Greizmann maadaama oo Paris Saint-Germain ay colaad sanado jirtay kaga soo dhaxaysay suuqa kala iibsiga.

Barcelona ayaa haatan raadinaysa qaacidadii ay ku dhammaystiri lahayd qorshaha ay 27 jirka ree Brazil ugu soo celinayso Camp Nou gaar ahaan in dhawaan ay tartankiisa ka baxday kooxdii xifaaltanka ugu weyn ku samayn karaysay ee Real Madrid.

Sida haatan laga soo xigtay wargeyska Bild ee ree Germany, Kooxda tababare Valverde ayaa muujisay inay baahi weyn u qabto saxeexa Neymar waxaana ay gaadheen heer ay dalab waali ah oo baahidooda laga dhex akhrisan karo gaadhsiiyaan Paris.

Bild ayaa sheegaya in Barca ay Paris Saint-Germain u bandhigtay afar ciyaartoy oo kooxdeeda ah isla markaana ay u sheegtay inay saddex ka xulato oo ay kusoo wareejiso Neymar.

Afartaas ciyaartoy ayaa kala ah Ousmane Dembele, Philippe Coutinho, Samuel Umtiti iyo Nelson Semedo balse kooxda ree France ayaa kusoo gacan saydhay dalabkaas sida wargeysku xusay.