YAAB – Ma Rumaysan Karaan Jamaahiirta Chelsea!! Koox Uu Hakim Ziyech Sheegay Inuu Jecel Yahay Saddex Sano Kahor Oo Naxdin Ku Ah Blues.

Advertisements

Jamaahiirta kooxda Chelsea ayay lama filaan ku noqonaysaa koox uu saxeexooda cusub ee Hakim Ziyech sanado kooban kahor sheegay inuu jecel yahay ka ciyaaristeeda.

Advertisements

Chelsea ayaa ugu dambayn shalay dhammaystirtay saxeexeedii ugu horreeyay ee kooxda waaweyn ah tan iyo markii suuqa laga ganaaxay iyagoo ka baxay abaarta suuqa oo aysan laba xilli suuq wax ciyaartoy ah kala soo wareegin.

Blues ayaa 40 Milyan oo euro kula wareegay garabka Ajax Amesterdam ee Hakim Ziyech oo 26 sano jir ah kaas oo ku biiri doona 1-da July, Heshiiskan ayaa noqday mid lagu amaanay Blues gaar ahaan lacagta macquulka ah ee ay ku heleen xiddig tayo weyn leh.

Marka laga yimaado inuu haatan yahay xiddig Chelsea ah, Taageerayaasha kooxdaas ayay ku adkaan doontaa inay aaminaan in Ziyech uu yahay taageere weyn oo kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Arsenal ah sida uu isaga qudhiisu caddaystay.

Sanadkii 2017 ayay ahayd markii Ziyech uu saaxiibkiisii Ajax ee Justin Kluivert weydiiyay kooxaha uu mustaqbalka jeclaan lahaa ayuu si cad xiddigani u sheegay in labada kooxood ee riyada weyn u ahi ay yihiin Barcelona iyo Arsenal.

Hakim ayaa wakhtigaas yidhi “Hagaag, Waxaan leeyahay laba kooxood (Oo riyadayda ah), Waa Barcelona iyo Arsenal, Taasi waa riyadayda ugu dambaysa”.

Hakim Ziyech oo noqonaya saxeexii ugu horreeyay ee uu Lampard ka tababare ahaan ugu sameeyo kooxdiisa ayaa la filayaa inuu ka buuxin doono garbaha weerarka gaar ahaan xilli bixitaan lala xidhiidhinayo xiddigaha booskaas ee Willian Borges iyo Pedro Rodriguez.

Advertisements

Be the first to comment