YAAB: Ma Ogtahay In Da’yarka Kalsoonida Buuxda Ka Waayay Kooxda Barcelona Ee Ousmane Dembele Uu Yahay Xiddiga Faa’idada Ugu Badan Laga Helay Horyaalka La Liga?

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa dhibaato ku qaba magaca Ousmane Dembele mudooyinkii ugu dambeeyay walow uu da’yarkani sida duufaanta uga soo muuqday kulankii ay bar-bardhaca 1-1 ka ah la galeen kooxda Atletico Madrid.

Garabka ree France ayaa goolkii uu ku dhaliyay Wanda Metropolitano ku gaadhay darajo aad u sarreysa oo dhinaca kulamada horyaalka La Liga ah waxaana uu noqday xiddiga faa’idada ugu badan amaba goolashiisa dhibcaha ugu badan lagu helay.

Dembélé supera a Oblak en el Atlético-Barça de la Liga 2018/19

Tirokoobka ayaa sheegaya inuusan jirin xiddiga La Liga ah oo faa’idada ugu badan lagu qabo dhibcaha lagu helay goolashiisa maadaama oo afar kamid ah shanta gool ee uu horyaalka ka dhaliyay ay Barca ku heshay lix dhibcood oo saafi ah.

Xiddiga ugu soo dhaw xogta ayaa ah weeraryahanka kooxda Girona ee Christian Stuani, Haddiiba uu Dembele sidan kusii socdo oo uu muujiyo hibadiisa waxa hubaal ah inuu booskiisa Blaugrana dib u heli doono.

Valverde ayaa Dembele adeegsaday 16 kulan oo kamid ah 15 ka kulan ee ay ilaa haatan ciyaartay kooxdu waxaana uu xiddiga ree France soo diiwaan gashaday 7 gool iyo gool caawin tartamada oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, Ousmane ayaa u muuqda mid kasoo kabanay qalbi jabkii haystay maalmihii ugu dambeeyay markaas oo uu kulamada qaar xataa ku fashilmay in looga yeedho safka kooxda u malaya kulamada.