YAAB: “Kaddib Final-kii 2018 Ee Champions League, Waxaanu Maqlaynay Garsoorkii Kulanka Oo Khamri Cabaya, Heesaya Isla Markaana Xafladaynaya” – Tababare Ku Xigeenka Liverpool.

Tababare caawiyaha kooxda Liverpool ee Peter Krawietz ayaa banaanka keenay wax badan oo ku saabsan dareenkii qolka labiska ee garsoorayaashii Final-kii UEFA Champions League 2018 ee ay guuldarrada kala kulmeen Real Madrid.

Reds ayaa guuldarro 3-1 ah kala kulmay Real Madrid Final-kaas oo ahaa mid ay dhacdooyin badan oo yaab lehi ka dhaceen isla markaana uu laba qalad oo dilaa ah goolalna sababay uu galay goolhaye Loris Karius.

Peter Krawietz ayaa sheegay in ay ugu horreynba maqlayeen kooxda kasoo horjeeday ee Real Madrid oo dabaaldegaysa balse sheekada yaabka leh ayaa ah in xataa garsoorkii kulanku ay xafladaysteen kulanka kaddib.

Peter oo faah-faahin bixinaya ayaa yidhi “Kiev gudaheeda qolka labisku waxa uu ahaa sidiiyoo goob bukaan, Bal qiyaas adiga oo halkaas gaadhay oo hal wiil (Mohamed Salah) xilli horeba la geeyay cisbitaalka oo uu lasoo laabto xanuun iyo oohin”

“Oo kaddib aad maqasho kooxda kasoo horjeeday oo dabaaldegaysa oo ay qolka labiska ee qolka nagu xiga ay garsoorayaashu ku dabaaldegayaan sidoo kale”

“Anigu ma garanayo sababto laakiin way heesayeen oo ay xafladaynayeen iyaga oo haysta kees khamri ah, Anaga waxay noo ahayd mid xun, Inaad hesho fal-celinta dhabta ahi way adagtahay laakiin waxaas oo dhammi waa qayb (Kubadda) kamid ah”.

Liverpool ayaa qaabkii ugu wanaagsanayn uga soo kabatay niyad jabkii xilli ciyaareedkaas waxaana ay soo gaadheen Final-kii sanadkan iyaga oo Tottenham kaga guuleystay tartanka markoodii lixaad taariikhda.