YAAB!!: Halkan Si Buuxda Uga Akhriso Qaabkii Lama Filaanka Iyo Yaabka Noqday Ee Uu Jose Mourinho Iskaga Difaacay Eedayntii Waqti Yaraanta Marcus Rashford Ee Man United.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa si aan hore looga baran ugu jawaabay khabiirka Sky Sports ahna halyaygii hore ee kooxda Liveprool iyo xulka qaranka England ee Jamie Carragher kaas oo Marcus Rashford kula taliyay in uu Man United iskaga baxo oo uu Everton ku biiro si uu xidig heer caalami ah u noqdo maadaama oo aanu Lukaku fursad ka heli karin.

Jose Mourinho ayaa waraaqo ku soo qortay xog layaableh oo uu ka soo ururiyay Marcus Rashford iyo kulamadii uu soo saftay wuxuuna saxaafada u sheegay in xogtani aanu iyaga ugu tallo galin balse uu siinayo jamaahiirta kooxdiisa Manchester United.

Jose Mourinho raacay dariiqii Louis Van Gaal oo maalin ka mid ahayd waqtigiisii Old Trafford soo daabacday waraaqo aad u badnaa si uu iskaga difaaco eedaymo markaas loo soo jeedinayay balse qaabka cadhada wayni ka muuqatay ee uu Mourinho iskaga difaacay eedaynta joogtada noqotay ee waqti yaraanta Marcus Rashford ayaa saxaafada u noqotay u qaadan waa maadaama oo aan Mourinho hore looga baran in uu waraaqo soo daabcdo.

Markii uu Mourinho sheegay in markale axada uu Rashford eedayn kula kulmi doono waxa uu la soo baxay waraaqo badan wuxuuna yidhi: ” Sidaa daraadeed, waxaan doonayaa in aan wax sameeyo, idinka ma aha, laakiin waa taageerayaasha United, isla markaana waxaan naftayda u qaadayaa jamaahiirta United, sidaa daraadeed, iyaga awgood ayaan laba daqiiqo idiinla qaadanayaa”.

Mourinho ayaa si aan looga baran waxa uu bilaabay in uu waraaqaha akhriyo wuxuuna yidhi: “Xili ciyaareedkii 2016-2017 Marcus Rashford waxa uu ciyaaray 32 kulan oo Premier League  ah, 11 kulan oo Europa League ah oo uu ku jiro finalkii, 3 kulan oo FA Cupka ah, 6 kulan oo League Cupka ah oo uu ku jiro kulankii finalku iyo Community Shield-kii”.

Mourinho oo sharaxaadiisa uu warqada ka akhriyay sii wata ayaa yidhi: ” Waxa uu haystay 53 kulan, laakiin haddii aad doonayso in aad soo qaadato daqiiqadihii uu ciyaaray , waxa uu isagu ciyaaray 3,068 (Saddex kun iyo siddeed iyo lixdan daqiiqo) isla markaana haddii aad doonayso in aad u qaybiso 90-ka daqiiqo ee kulamada, waxa uu 2016-17 ciyaaray 34.2 kulan oo 90 daqiiqo ah”.

Intaa kadib Mourinho ayaa soo gaadhay xili ciyaareedkii la soo dhaafay iyo xogta uu warqada ku soo qortay ee Marcus Rashford wuxuuna yidhi: “2017-18 kii, waxa uu isagu ciyaaray 35 kulan oo Premier League ah, 8 kulan oo Champions League ah, 5 kulan oo FA Cupka ah, 3 kulan oo League Cup ah iyo finalkii UEFA Super Cup”.

Markale Mourinho oo xogtii Rashford ee 2017-18kii sharaxaad dheeri ah ka bixinaya ayaa yidhi: “Waxa uu guud ahaan ciyaaray 52 kulan oo ah 2,676 daqiiqo, haddii aad u qaybiso 90 daqiiqo, waxay ku siinaysaa 29.7 kulan, sidaa daraadeed, aniga ahaan, laba xili ciyaareed waxa uu haystay 105 kulan, 5,774 daqiiqo, oo ay 63.7 kulan yihiin min 90 daqiiqo, oo ay ku jiraan shan kulan final, waxaan filayaa in dadka daqiiqadahan ka hadlayaa ay jaho-wareereen”.

Intaas Jose Mourinho isdifaacadiisa Marcus Rashford kuma joojin balse waxa uu sii watay in uu xataa ciyaartoy kooxo kale magacooda si jees-jees ah uu u soo qaatay wuxuuna yidhi: ” Marcus ma aha Dominic Solanke, ma aha Ruben Loftus-Cheek, ma aha Dominic Calvert-Lewin, isagu waa Marcus Rashford, waa ciyaartoy Manchester United ah oo leh tiro kulamo ah oo aan macquul ahayn iyo tirooyin daqiiqado oo aan la rumaysan karin oo uu heerka ugu saraysa sida ugu fiican uga ciyaaray taratmada suurtogalka ah”.

Intaa kadib markii uu xogta iyo sharaxadii Mourinho dhameeyay waxa uu la hadlay taageerayaasha kooxdiisa uu bilawgii hadalkiisa ku xusay in uu xogta iyaga siinayo wuxuuna u tilmaamay waxa uu ku samaynayo Marcus Rashford, Luka Shaw, Jesse Lingard iyo Scott McTominay.

Mourinho oo taageerayaasha kooxdiisa Man United la hadlaya ayaa yidhi: ” Sidaad daraadeed, taageerayaasha Manchester United, idinka oo kaliya ayay tahay in aad ogaataan waxa aanu ku samaynayno Marcus, Luka Shaw, Jesse Lingard, Scott Mctominay, taasi waa waxa aanu halkan ka samaynayno”.

Jose Mourinho ayaa xogtan sii raadsanayay tan iyo markii uu halyayga Liverpool iyo xulka qaranka England ee Jamie Carragher uu Marcus Rashford kula taliyay in uu iskaga baxay Man United oo uu ku biiro kooxda Everon si uu qaabkii Lukaku oo kale uu waayihiisa sare ugu soo qaado.

Waxaana hadalkii Jamie Carragher ee Mourinho sida wayn uga cadhaysiiyay ka mid ahaa: “Romelu Lukaku ayaa ka horeeya Rashfrod, isla markaana anigu ma arko isaga oo booskiisa kala baxa inta ugu badan ee uu halkaas joogo”.