YAAB: Diyaaradii Borussia Dortmund Keenaysay England Oo Dib U Dhac Ku Yimid & Ciyaartoy Dal Ku Galkiisa (Passport) Soo Iloobay Oo Inay Daahaan Ku Sababay.

Kubadda xiisaha badan ee tartanka Champions League ayaa markale soo laabatay waxaana caawa jiri doona kulamo xiiso badan oo uu kamid yahay kulanka ay kooxda Borussia Dortmund soo booqanayso dhigeeda Tottenham Hotspurs kulan lagu balansan yahay Wembley Stadium.

Laakiin kooxda ree Germany ayay ku dhacday arrin ugub ah isla markaana aan inta badan ka qabsoomin ciyaaraha kaddib markii uu xiddiga  Jadon Sancho ku sababay in dib loo dhigo diyaaradooda.

Sababta ayaa ahayd in Sancho oo kusoo laabanaya dalkiisa hooyo ee England uu soo dal ku galkiisii loomana ogolaan inuu diyaarada la fuulo xiddigaha kale ee ay koox wadaaga yihiin.

Si loogu ogolaado inuu diyaarada raaco, Jadon ayaa si deg deg ah ugu laabtay gurigiisa isaga oo soo qaatay dal ku galka isla markaana kusoo noqday gegida diyaaradaha.

Dortmund iyo tababaraheeda Favre oo hoggaanka u haya horyaalka Bundesliga-ha Germany isla markaana dhibco door ah ka sarreeya Bayern Munich ayaa la ciyaari doona Tottenham caawa waxaana laga wars sugi doonaa natiijada kasoo baxda kulan ay dhaawacyo badani ka jiraan.

Spurs ayuu ka maqan yahay midka ugu muhiimsan safkeeda oo ah Harry Kane balse Borussia ayaa ku jirta xaalad ka daran maadaama oo ay ka maqan yihiin Reus, Alcacer, Wiegl iyo Piszczek.