YAAB: Ciyaartoya Liverpool Oo Ku Dhibtooday Inay Seexdaan Habeenkii Ka Horreeyay Kulankii Final-ka CL Ee Real Madrid & Gareth Bale Oo Waxbadan Banaanka Keenay.

Garabka kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa banaanka keenay sheeko aan horay loo ogayn oo uu uga warramay xiddiga kooxda Liverpool ee Adam Lallana taas oo la xidhiidha culayskii xiddigaha Reds saarnaa kahor Final-kii tartanka Champions League ee ay labada dhinac wada ciyaareen.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayso wer-werka ciyaartoyda Liverpool ee tartanka Premier League isla markaana ay u muuqdaan kuwo aan la tacaali karayn culayska ah in hoggaanka la hayo oo koox horyaal ah la noqdo.

Bar-Bardhacyo ay lasoo galeen kooxaha Leicester City iyo Westham United ayaa soo yareyay farqiga dhibcaha ee u dhaxeeyay iyaga iyo Man City waxaana ay haatan kaliya saddex dhibcood ka sarreeyaan kooxda Guardiola oo caawaba farqiga goolasha hoggaanka ku qaban karta.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Maxkamada Dalka Spain Oo Go'aan Ka Soo Saartay Khilaafkii Maamulka La Liga Iyo Xidhiidhka Kubbada Cagta Ee Kulamada Horyaalka La Liga.

Bale oo waraysi siinayay FourFourTwo ayaa xusay in Lallana oo uu waraystay kulankii bishii May uu u sheegay in ciyaartoyda Liverpool ay ku adkaatay inay hurdo helaan kahor kulankii Madrid sababtoo ah culays saarnaa.

Bale ayaa yidhi “Waxaan la hadlayay Lallana kaddib Final-kii Liverpool waxaanan weydiiyay haddii ay ahaayeen kuwo wer-wersan habeenkii ka horreeyay”

“Waxa uu ii sheegay inay dhammaan ku dhibanaayeen inay seexdaan, Anagu xaqiiqdii dhammaan waxaanu ahayn kuwo xasiloon sababtoo ah waxaanu ahayn kuwo xaaladaas oo kale soo galay”

“Taasi waxa ay na siisay faa’ido weyn, Maadaama oo aanu ogayn sida loola macaamilo dareemada waxkasta oo ku hareeraysan Final weyn, Laga yaabaa in Liverpool aysan ogayn”

SIDOO KALE AKHRISO:  Messi La'aan Barcelona Waa Xaflad La'aan, Isbedelkii Valverde Laga Doonayay Oo Musiibo Noqday & AFAR Qoddob Oo Laga Bartay Guuldarradii Barcelona Ee Xalay.

Inay u tartamaan hanashada horyaalka Premier League ayaa wax cusub ku ah safka balaadhan ee kooxda Liverpool halka Pep Guardiola iyo kooxdiisu ay yihiin kuwo horeba usoo dareemay waxa ay ka dhigantahay in hoggaanka la qabto oo horyaalka la hanto.

Sidaa darteed, Jurgen Klopp oo hore horyaalo ugula soo guuleystay Borussia Dortmund ayay ku xidhnaan doontaa haddii uu kooxdiisa kusii haynayo degenaanshaha iyo diirad saarida iyadoo inta muhiimka ah ee xilli ciyaareedku ay soo dhawaanayso.