YAAB: Chelsea Oo Si Dadban U Habaartay Dhigeeda Arsenal Kahor Final-kii UEFA Europe League, Siday Wax U Dhaceen?

Kooxda Chelsea ayaa lagu sifayn karaa mid habaar u miciinsatay dhigeeda Arsenal kahor Final-kii ay kaga guuleysteen ee UEFA Europe League kaddib markii ay soo dhigeen barahooda bulshada sawir dood badan dhaliyay.

Blues ayaa ahaa guuleystayaal u qalmay guusha markii ay habeen hore ka talaabsadeen Arsenal waxaana ay ku adkaadeen 4-1 kaddib qaybtii dambe oo cajiib u noqotay.

Guushaas ayaa guul kale u noqotay Chelsea oo horeba u xaqiijisatay booskeeda Champions League ee xilli ciyaareedka dambe balse waxa ay gabi ahaanba xaalad musiibo ah kusoo af-jartay xilli ciyaareedkii Gunners.

Arsenal ayaa saddex kamid ah shanteedii kulan ee ugu dambeeyay guuldarrooyin kula soo kulantay Premier League waxaana ay ka hadheen boosaska afarta sarre iyaga oo kaliya hanashada EL ku gaadhi karayay CL.

Si kastaba, Waxa macquul ah inaad maqashay Habaarka Drake  oo noqotay sheeko caan ka dhex ah baraha bulshada markaas oo kooxaha kubadda cagta ay xaaladu ku xumaato markasta oo sawir la galaan fanaanka ree Canada ee Drake.

Waxa loo yaqaano Habaarka Drake ayaan kaliya ku koobnayn kooxaha kubadda cagta balse sidoo kale Serena Williams iyo Conor McGregor oo ah shaqsiyaad ciyaaraha caan ka dhex ah ayaa fashilmay kaddib sawiro ay la galeen Drake.

Akoonka Twitter-ka ee Chelsea gaar ahaan midka Maraykanka ayaa kahor Final-kii Europe League lasoo dhigay sawir uu weeraryahanka Arsenal ee Aubameyang kula jiro Drake iyadoo lasoo raaciyay dareen (Emoji) isha jabinaya”

Intaa kaddib guushii 4-1 ka ahayd ee Chelsea ayaa markale sawirka lasoo raaciyay qoraal ah “Haddii aad akhrinayso midkan, Waa goor dambe”

Ku maadsiga ayaan halkaas kusoo dhammaan waxaana markale isla Account-kaas lagu soo qoray “Ha werwerina jamaahiirta Arsenal waxaa markasta jira sanad xiga”