YAAB: Barcelona Oo Sergio Ramos Ku Qasbi Karta Inuu Kaadhka Jaalaha Ah Markale Si BADHEEDH Ah U Qaato Toddobaadkan – Siday Wax U Jiraan?

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa dhawaan dunida kubadda cagta qabsaday kaddib markii uu sheegay inuu si ulakac ah u qaatay kaadhkii digniinta ahaa ee kulankii Ajax balse dhacdadaas ayaa markale dib u curan karta.

Ramos ayaa sheegay inuu u badheedhay qaladkii kulankaas si uusan u ciyaarin kulanka lugta labaad balse markale ayuu sheegay inuusan sidaas u jeedin iyadoo ay haatan baadhitaano bilaabeen xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA.

Markale diirada ayaa hayn doonta Ramos toddobaadkan kulanka Girona ee horyaalka iyo haddii uu markale talaabadii ku celin doono.

Ramos ayaa afar kaadh oo jaale ah qaba haatan horyaalka waxaana la ganaaxi doonaa hal kulan haddiiba uu kaadhka shanaad qaato kulanka Girona.

Haddiiba uu Ramos kaadhka hurdiga ah qaato kulankaas ayuu ka ganaaxnaan doonaa kulanka toddobaadka dambe ee Levante ay kusoo dhawayn doonaan Bernabeu .

Maxay Tahay Sababta Ramos Ku Qasbi Karta Inuu Kaadhka Jaalaha Ah Si Badheedh Ah U Qaato Markale?

Sababta ugu weyn ayaa ah in kulanka Levante uu u xigi doono midka El-Classico ee Barcelona waana sababta ay macquulka tahay inuu u doonayo inuu kaadhka haatanba sii qaato si uu u seego kulanka Levante halkii uu kulankaas Levante kaadhka qaadan lahaa ee uu seegi lahaa kulanka Barcelona.