YAAB: Barcelona Oo Miciin Mooday Daafac 34 Jir Ah Oo Hore Ugu Soo Ciyaaray Liverpool & Diidmo Qayaxan Oo Uu Kahor Keenay Kaddib Dalab Ay U Gudbiyeen.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay miciin biday daafacii hore ee kooxda Liverpool haatana ka tirsan kooxda Fenerbahce ee Martin Skrtel intii lagu gudo jiray suuqii bishii January balse uu daafacani go’aan cad ku diiday.

Xiddigaha Liverpool soo maray ayaa caan ka dhex ah Barcelona waxaana horeba Anfield ugaga wareegay Camp Nou xiddigaha kala ah Luis Suarez, Philippe Coutinho iyo Javier Mascherano balse Barca ayaan ku guuleysan inay Skrtel u wado halkaas.

Daafacan 34 sano jirka ah ayaa ah mid aad ugu faraxsan horyaalka Turkish Super Lig waxaana ay Barcelona ugu dambayn rabitaankeeda u wareehisay Jeison Murillo kaas oo ay qaab amaah ah kaga soo qaateen Valencia.

Warkan ayaa ah mid uu qarxiyay Mithat Halis oo shaqo wadaag la ah shirkada uu matalo Skrtel waxaana uu sheegay in Skretal uu yahay daafac ka fiican xiddiga Barca ee Lenglet isla markaana uusan doonayn inuu bedel u noqdo Pique iyo Umtiti.

Halis ayaa yidhi “Barcelona waxa ay  doonaysay inay isaga la saxeexato waxaana ay ku adkaysanayeen isaga sababtoo ah waxa ay doonayeen daafac dhexe oo noqon kara bedel la isku halayn karo, Laakiin ciyaartoygu kuma uusan raacin sababtoo ah ma uusan doonayn inuu bedel u noqdo Pique iyo Umtiti”

“Waxaan filayaa inuu yahay daafac dhexe oo ka wanaagsan Clement Lenglet, Dhinaca kale Martin waxa uu ku faraxsan yahay Istambul waxaana uu haystaa door muhiim ah oo uu uga ciyaaro Fenerbahce, Ma uusan doonayn inuu dookha saddexaad ka noqdo Barcelona”

“Waxa ay ciyaartoyga ku arkeen kulankii u dhaxeeyay Slovakia iyo Ukraine  waxaana ay markale la dhaceen in Skrtel uu yahay hoggaamiyaha kooxdiisa laakiin Skrtel waxa uu noo sheegay inuu doonayo inuu sii wado ka ciyaarista Turkey-ga”

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda suuqa ee Barca ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku eedaysnaa inay falsafada kooxda badalayaan isla markaana ay ciyaartoy aan hide sidaha Barca lahayn lasoo saxeexanayaan waxaana sidaa ku canaantay jamaahiirta.