YAAB & AMAKAAG!!: Majalada France Football Oo Gabi Ahaanba Tirtirtay Codbixintii Ballon D’Or, Jamaahiirta Lionel Messi Oo Cadho Wayn Muujiyay Iyo Sida Ay Wax U Dhaceen.

Majalada caanka ah ee France Football ayaa dhawaan ku dhawaaqday 30 ka xidig ee musharixiinta u ah abaal marinta Ballon d’Or ee sanadkan 2018 waxaana ku soo baxay 11 ciyaartoy oo ka tirsan horyaalka Premier League halka Real Madrid ay ku yeelatay 8 ciyaartoy balse Britain ayaa Gareth Bale iyo Harry Kane oo kaliya ka heshay liiska musharixiinta Ballon d’Or.

Sidii caadada ahayd France Football ayaa isla maalintii ay shaacisay liiska 30 ka musharax ee abaal marinta Ballon d’Or waxay jamaahiirta caalamka siisay fursad ay codkooda ku dhiibtaan iyada oo la waydiiyay in ay shabakada France Football codbixintooda ka dhiibtaan laakiin arin lama filaan ah ayaa dhacday.

France Football ayaa kubbada cagta aduunka kaga yaabsatay in ay gabi ahaanba tirtirtay ama delete-garaysay codbixintii ay jamaahiirta caalamka ugu sheegtay in ay fikradooda ku dhiibtaan si ay u saadaaliyaan xidiga u qalma ee ku guulaysan kara abaal marinta Ballon d’Or.

Inkasta oo xaqiiqdu tahay in codbixintani ayna go’aaminayn xidiga ku guulaysanaya abaal marinta Ballon d’Or isla markaana ay saxaafada oo kaliyi tahay cida codka rasmiga ah bixinaysa, haddana waxaa u qaadan waa iyo amkaag noqday in iyada oo codbixintani ayna waxba go’aaminayn ay France Football ay tirtirtay natiijo layaableh oo meesha ka soo baxday.

Laakiin France Football ayaan sidaa ku badbaadin balse jamaahiirta sida tooska ah ula socday ee hadba natiijada codbixintu halka ay marayso eegayay ayaa arkay iyada oo la masaxay codbixintii balse waxaa isla markiiba baraha bulshada lagu soo tuuray natiijadii ay maraysay codbixintu iyada oo hadda la bilaabay in laga doodo sababta dhabta ah ee keentay in France Football ay codbixintan masaxday.

Waxaanu halkan idiiinku haynaa natiijadii codbixinta jaamaahiirta calaamka ee France Football isla waqti ka hor intii aan la tirtirin, waxaana layaab noqotay in Lionel Messi uu helay codbixin ka badan isku darka Modric, Ronaldo, Salah iyo Mbppe taas oo ay jaamaahiirta Barca cadho wayn ka muujiyeen in codbixintan la masaxay.

Muuqaalo iyo fariimo cadho badani ku dheehan tahay ayay jamaahiirta Barcelona soo bandhigeen waxayna ku doodeen in sababta dhabta ah ee France Football u kansashay codbixintii jamaahiirta caalamku in ay noqotay layaabka kaga soo baxay iyo codka waalida ah ee uu Messi helay iyo waliba sida cod liita ay u heleen xidigaha la filayo in ay ku guulaysan karaan abaal marinta Ballon d’Or.

Aan marka hore idiinku soo gudbino Codbixintii France Football Intii ayna Tirtirin Halkii ay maraysay Iyo Ciyaartoydii Codka Ugu Badan Heshay:

1. Lionel Messi: 48% (338,110 kun oo cod)

2. Mohamed Salah: 31% (218,362 kun oo cod)

3. Cristiano Ronaldo: 8% (56,351 kun oo cod)

4. Luka Modric  2%(14,087 kun oo cod)

=Kylian Mbappe: 2% (14,087 kun oo cod)

Lionel Messi ayaa helay 338,110 (saddex boqol iyo 38 kun, boqol iyo toban cod) wuxuuna guud ahaan helay boqolkiiba 48% codkii guud ee jamaahiirta caalamku ka bixiyeen codayntii France Football isaga oo xataa ka cod badnaaday isku darka Mohamed Salah, Cristiano Ronaldo, Luka Modric iyo Mbppe.

Mohamed Salah ayaan dab yar shidin wuxuuna kaalinta labaad ugu jiray boqolkiiba 31% oo u dhiganta 218,362 kun oo cod isaga oo noqday xidiga labaad ee sida layaabka leh codbixintan sare ugu soo kacayay.

Laakiin Ronaldo ayaa helay kaliya boqolkiiba 8% halka Modric iyo Mbappe oo ka mid ah xidigaha ugu cad cad ee abaal marintan ku guulaysan karaa ay heleen kaliya boqolkiiba 2% taas oo loo aaneeyay in France Football ay ka cabsatay in ay soo bandhigto codbixinta shacabka taas oo khilaafsan waxa laga filayay codbixintan.

Marka laysku daro codbixintii ay heleen Modric, Ronaldo, Salah, Mbappe iyo xataa Neymar Jr waxay isla noqotay boqolkiiba 45% waxaana arintan si cadho leh uga hadlay David Valdearenas oo ka mid ahaa dadkii sida dhaw ula socday codbixinta ay hadda France Football tirtirtay wuxuuna arintan kaga hadlay muuqaalkan hoose.

Dad ku dhaw hal milyan oo qof ayaa ka qayb qaatay codbixintii France Football ee ciyaartoyga u qalma abaal marinta Ballon d’Or intii aan la tirtirin ee aan meesha laga saarin iyada oo France Football ayna wax sharaxaad ah ka bixin sababta dhabta ah ee isla codbixintii aan abaal marintan go’aaminayn ee ay hadda dadka u soo bandhigtay ay u masaxeen.

Haddaba akhriste, maxaa loo qaadan karaa in France Football ay masaxday ama tirtirtay codbixin ay iyaga laftoodu u soo bandhigeen taageerayaasha caalamka taas oo waliba la ogaa in ayna xataa go’aaminayn cida abaal marinta ku guulaysanaysa?.