Yaa Kusoo Baxay Liiska Abaalmarinta Da’yarka Sanadka Ee Premier League? Laba Xiddig Oo Man City Ugu Soo Baxay Xilli Man United Iyo Liverpool Ay Min Hal Ciyaartoy Ku Yeesheen.

Labada xiddig ee kooxda Manchester City ee Raheem Sterling iyo Bernardo Silva ayaa hoggaanka u haya liiska lixda da’yar ee ku tartami doona abaalmarinta da’yarka sanadka ee horyaalka Premier League.

Labadan xiddig oo labadooduba min 24 sano jir ah ayaa sidoo kale kusoo baxay liiska abaalmarinta guud ee xiddiga horyaalka ee loo yaqaan PFA xilli ay wacdarro u dhigayaan kooxda Pep Guardiola ee saddexleyda koobabka ah hiigsanaysa.

Waxa soo raaca daafaca Liverpool ee Trent Alexdander Arnold, Khadka dhexe ee West Ham United ee Declan Rice, Garabka Bournemouth ee Brooks iyo weeraryahanka Man United ee Marcus Rashford.

Waxa hubaal ah in ku guuleystaha xilli ciyaareedkan ee da’yarka sanadku uu noqon doono mid ka duwan ku guuleystihii sanadkii hore maadaama xiddigii wakhtigaas hantay ee Leroy Sane uu ka maqan yahay liiska.

Sterling iyo Bernardo ayaa si weyn muhiim ugu ahaa kooxda Pep Guardiola, Raheem ayaa soo sameeyay 17 gool iyo sagaal caawimo halka Silva uu soo sameeyay lix gool iyo toddoba caawimo.

Alex Arnold ayaa Liverpool ka caawiyay daafaceeda birta ah ee aan la loodin Karin isaga oo sidoo kale toddoba gool soo caawiyay halka Declan Rice uu qaab ciyaareedkiisa aadka u wanaagsan ku helay in looga Waco xulka England.

Da’yarka ree Wales ee David Brooks oo qaadanaya xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay oo aad cajiib u ah ayaa soo dhaliyay toddoba gool shan kalena caawiye kazoo noqday.

Ugu dambayn, Rashford oo qaadanaya xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee dhinaca gool dhalinta ayaa soo dhaliyay 10 gool lix kalena soo caawiyay.