YAA JOOJINAYA? – Shaxda Birta Ah Ee Juventus Ee Xilli Ciyaareedka Dambe Oo La Saadaaliyay & Guardiola Iyo Messi Oo Ronaldo La Midoobaya!!.

Advertisements

Wargeyska The Sun oo dhawaananba waday saadaalinaha shaxaha kala duwan ee ay kooxaha waaweyn ee Yurub xilli ciyaareedka dambe ku ciyaarayaan ayaa markan saadaaliyay qaabka ay u ekaan doonto Juventus 2020-21.

Advertisements

Juventus ayaa la sheegayaa inay qaadi doonto talaabada xigta ee ay ku doonayso inay noqoto kooxda ugu wanaagsan dunida isla markaana ay doonayaan saxeexa tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola.

Dhawr ciyaartoy oo heer caalami ah oo la sheegayo inaysan ku faraxsanayn kooxahooda wakhti xaadirkan ayaa sidoo kale tababaraha ree Spain kula midoobi kara kooxda lagu naanayso marwada duqda ah.

Wargeyska Sun ayaa fahamsan in Juventus ay dalab weyn u diyaarinayso Guardiola laakiin ay waxkasta ku xidhnaan doonaan macalinka iyo haddii uu waayihiisa England soo af-meeraypo.

Inuu xilli ciyaareedka 2020-21 ku qaato Manchester City ayaa ka dhignaan doonta inuu wakhti ka badan midkii Barcelona iyo Bayern Munich ku qaadanayo kooxdaas.

Si kastaba, Shaxdan uu The Sun soo xulay ayay ku midaysan yihiin xiddigaha dunida ugu fiican ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo xilli Messi uu muran kala dhexeeyo kooxdiisa Barcelona kaddib markii ay agaasimaha ciyaaraha kooxdaas ee Eric Abidal isku dhaceen dhawaan.

Shaxdan ayuu kasoo muuqday Leroy Sane oo hadaba City kula sugan Guardiola laakiin bixitaan doonaya sidoo kale daafaca midig ee PSG ee Thomas Meunier.

Xiddigaha Juve ka tirsan ee shaxdan baaqiga kusii ah ayay ku jiraan De Ligt, Bonucci, Pjanic iyo Dybala oo dhammaantood ku haboon hanaanka ciyaareed ee Pep.

Halkan Kaga Boggo Shaxda Oo Sawir Ah

 

Advertisements