Yaa Hogaaminaya Tartanka Loogu Jiro Abaalmarinta Kabta Dahabka Gooldhalinta Horyaalka Premier League?

Horyaalka Premier League kaliya waxaa la ciyaaray 8-kulan, sidaas oo ay tahayna tartan xiiso leh ayaa ka dhexjira ciyaartoyda kuwaas oo durba bilaabay iney muujiyaan sida ay u doonayaan ku guuleysiga abaalmarinta shakhsiga ah ee la siiyo xiddiga ugu goolasha badan horyaalka.

Fasalkii hore waxaa wada gudoomay abaalmarinta saddexda xiddig ee kasoo jeeda qaaradda Afrika – Mohamed Salah, Pierre-Emerick Aubameyang & Sadio Mane kuwaas oo goolal isku mid ah la yimid, balse markaan laba ka mid ah xiddigahaan kama soo muuqan safka hore walow horyaalka uusan fari ka qodneen.

Tartanka loogu jiro abaalmarinta kabta dahabka gooldhalinta Premier League waxaa ugu horreeya Sergio Aguero oo 8-gool shabaqa soo taabsiiyay, sidoo kalan laba caawinaad ah ayuu sameeyay, dadaalkiisa marka la fiiriyo 22 jeer ayuu isku dayay inuu gool dhaliyo balse 9-ka mid ah goosha ugu aaday.

Tammy Abraham oo ah da’yar ay aamintay Chelsea ayaa isna leh 8-gool, wax caawinaad ah masameynin 23-kubad ayuu goosha la damcay, 15-jeer ayuu ku aadiyay goolhayaha.

Haddaba sidaan ayaa loo kala horreeyaa:

1. Sergio Agüero (Manchester City) 8-gool, 2-caawinaad.

2. Tammy Abraham (Chelsea) 8-gool, wax caawinaad ah ma sameynin.

3. Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal) 7-gool, wax caawinaad ah ma sameynin.

4. Teemu Pukki (Norwich City) 6-gool, 2-caawinaad.

5. Raheem Sterling (Manchester City) 6-gool, wax caawinaad ah ma sameynin.

Sidoo kale ciyaartoyda kala ah Harry Kane, Sadio Mane, Callum Wilson iyo Jamie Vardy ayaa min 5-gool dhaliyay, halka Mohamed Salah, Bernardo Silva, Sebastian Haller, Wesley, Ashley Barnes iyo Mason Mount ay dhalyeen min afar gool.