Xusuustii Finalkii Euro 2016 Ee France & Portugal Oo Cusbo Sii Marisay Groupka Dhimashada Ee Ay Germany Kula Jiraan.

Advertisements

Kadib isku aadkii tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, waxaa si wayn loo hadal hayaa Groupka dhimahsada ee ay ku soo wada baxeen xulalka qaramada Germany, France iyo Portugal oo waliba sugaya in xul kale uu ka soo bixi doono Play-offka soo socda.

Xulka qaranka Portugal oo difaacanaya koobka qaramada Yurub ayaa wajihi doona xulkii ay finalkii Euro 2016kii koobka ka qaadeen France laakiin waxaa Groupkan xiiso badan u sii yeelaya xulka Jarmalka oo doonaya in ay ka soo kabsadaan koobkii aaduunka ee Russia 2018 kii.

Xulka qaranka France oo ah kooxda koobka aduunka haysata ayaa markooda isku dayi doona in ay ka aarsadaan Portugal oo ay wali ugu cadhaysan yihiin ciilkii uu ciidooda ku baday Euro 2016.

Waxaa hubaal ah in Group F uu yahay kan ugu nasiibka xun ee loo aqoonsaday Groupka dhimashada kadib isku aadkii Euro 2020 iyada oo waliba uu hal xul ku soo biiri doono marka la soo gaba gabeeyo kulmada Play-offka.

Advertisements

Waxay ahayd July 10,2016kii markii uu xulka qaranka Portugal awooday in uu France ku garaacay finalkii Euro 2016 laakiin markale November 30,2019 waxay labadan xul isku arkeen iyaga oo Group F kaga soo wada baxay isku aadkii Euro 2020.

Group F waxaa Germany, France iyo Portugal kula soo biiri kara mid ahaan Israel Romania Bulgaria ama Hungary kuwaas oo soo gali doona kulamada Play-offka ee ay Euro 2020 ugu soo bixi karaan.

Laakiin waxaa hubaal ah in dagaalka ugu wayni ka dhex qarxi doono Germany, Portugal iyo France oo mid kastaaba isku dayi doono in uu tartanka Euro 2020 sii wadan karo balse xusuustii France iyo Portugal ee Euro 2016 ayaa miiska la soo saari doonaa.

Groupka Dhimashada Ee Group F ee Euro 2020

Germany

France,

Portugal

Israel Romania Bulgaria ama Hungary

Advertisements