XUSUUS: Miyay Sheekadii 14 Sano Kahor Qabsatay Samuel Eto’o Ku Dhici Kartaa Lionel Messi? Eto’o Oo Kulankii Ugu Dambeeyay Looga Qaaday Kabta Dahabka Ah & Sida Uu Mbappe Ku Dhaafi Karo Messi.

Tartanka kabta dahabka ah ee Messi iyo Mabppe

Weeraryahankii hore ee xulka Cameroon iyo kooxda Barcelona ayaa ah mid laba xilli ciyaareed oo ka hore yahay 14 sano kahor ay soo qabsatay sheeko cajiib ah oo ku sababtay inuu cadho kala dul dhaco xiddigaha kooxdiisa iyo tababarihii wakhtigaas ee Rijkaard.

Eto’o iyo Barcelona Ayaan iloobin wixii xiddigan sida isku midka ah ugu dhacay xilli ciyaareedyadii 2004-05 iyo 2008-09 markaas oo uu Eto’o filayay inuu ku dhammaysanayo isaga oo ah weeraryahanka ugu sarreeya gool dhalinta Spain iyo mida Yuruba..

Eto’o ayaa xilli ciyaareedkii 2004-05 gool dhalinta Yurub iyo La Liga ku hayay 24 gool iyadoo ay kaliya hadhsanaayeen laba kulan balse waxa uu ku fashilmay inuu wax gool ah dhaliyo kulamadaas waxaana sidaas ku dhaafay Diego Forlan iyo Theirry Henry oo min 25 gool ku wadaagay abaalmarinta.

Dhacdadaads ayaa dhacday kulankii Vilarreal markaas oo Forlan oo Vilarreal ka tirsanaa uu saddexley ka dhaliyay Barcelona qudheeda sidaasna ku dhaafay Eto’o oo kulanka xaadir ku ahaa.

Intaas kaddib weeraryahankan ayaa ciyaartoyda kooxdiisa ku canaantay inaysan in ku filan u basin kubadda halka uu sidoo kale tababare Rijkaard ku qabsaday sababta uu saf xoogan kulanka ugu soo xuli waayay.

Afar sano kaddib taariikhda ayaa dib isku soo celisay, Markale Eto’o oo hoggaanka u haya gool dhalinta Yurub iyo La Liga ayuu dhaafay isla Diego Forlan saddexdii kulan ee ugu dambeeyay isaga oo markale kaga guuleystay abaalmarintaas.

Haddaba miyay Lionel Messi oo haatan hoggaanka gool dhalinta haya sidaasi ku dhici kartaa? Messi ayaa 33 gool soo dhaliyay halka Kylian Mbappe oo ku dhawi uu 30 gool soo dhaliyay.

Intaa waxa dheer in kulamada dambe ee horyaalka la nasin doono Messi si ay kooxdiisu diirada u saarto Champions League.