Xulka Qaranka Spain Oo Kulankii Xalay Ee Wales Aan Safkooda Lagu Dhex Arag HAL Ciyaartoy Oo Barcelona Ah, Goormaa Ugu Dambaysay In Sidan Oo Kale Dhacdo?

Xulka qaranka Spain oo uu horkacayo tababare Luis Enrique ayaa xalay wajahay dhigooda Wales xilli aysan shaxda xulkaasi kasoo muuqan wax ciyaartoy ah oo Barcelona ah.

Enrique oo hore u ahaa tababaraha Barcelona mudo saddex sano ah balse tan iyo markii tababaraha Spain loo magacaabay lagu eedaynayo inuu xiddigaha kooxdiisii hore iska indho tirayo ayay sheekadani kusii noqon kartaa mid kale oo lagu weeraro.

Haddaba, Goormaa ugu dambaysay in hal xiddig oo Barcelona ah laga waayo safka koowaad ee La Roja?

Waxa laga joogaa laba sano iyo 103 maalmood markii ugu dambaysay ee xiddigaha Barcelona laga dhex waayo safka koowaad ee Spain, Kulankaas ayaa ahaa mid Spain ay la ciyaaraysay xulka South Korea waxaana markaas hoggaaminayaya tababare Vicente del Bosque.

Sababata uu Del Bosque keydka u dhigay kulankaas xiddigaha Barcelona iyo Sevilla ayaa ahayd inay maalmo kahor wada ciyaareen Final-ka tartanka Copa Del Rey waxaana uu go’aan ku gaadhay inuu nasiyo.