Xulka Qaranka Nigeria Oo Guul Ay Ku Rafaadeen Ka Gaadhay Xulka Markii Ugu Horaysay Koobka Qaramada Afrika Ka Qayb Qaadanaya Ee Burundi.

Xulka qaranka Nigeria ayaa markii 17 aad ka soo muuqday tartanka koobka qaramada Afrika halka xulka ay guusha ka gaadheen ee Burundi uu markii taariikhdiisa ugu horeeyay uu ka soo qayb galay koobka qaramada Afrika.

Nigeria ayaa si wayn ugu rafaaday in ay guul raaxo leh ka gaadhaan xulka koobka qaramada Afrika ku cusub ee Burundi laakiin ugu danbayn waxay dhamaadkii ciyaarta heleen goolka ay guusha ugu furteen koobka qaramada Afrika.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa hayd mid ayna labada xul wax goolal ah iska dhalin iyada oo xulka Nigeria oo ka mid ah xulalka ugu awooda badan kubbada cagta Afrika oo la filayay in ay afka gashanayaan Burundi ay qaybtii hore waxba dhalin kari waayeen.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta xulka Nigeria oo qaybtii hore uu cadaadis ku saarnaa in ayna wax goolal ah dhaliyan ayaa dadaalkooda sii laba jibaaray.

Daqiiqadii 77 aad ayay ugu danbayn xulka qaranka Nigeria heleen goolka furitaanka ee ay waqti badan u soo rafaadeen waxaana goolka guushan ka caawiyay u saxiixay Odion Ighalo kaas oo kubbad caawin cidhib ah ka helay Olaoluwa Aina.

Ciyaarta waxaa baaqi ka ahaa 13 daqiiqo oo kaliya waqtiga uu xulka Nigeria helay goolkan waxayna taasi dhibaato wayn ku ahayd xulka Burundi oo dadaal badan ku soo bixiyay in aan goolal laga dhalin.

Laakiin ugu danbayn goolka uu Ighalo dhaliyay ayaa labada xul kala saaray waxayna Nigeria heleen guul ay ugu furteen Group B.

Xulalka Nigeria iyo Burundi ayaa Group B kula jira xulalka qaramada Guinea iyo Madagascar oo isla caawa kulankooda ciyaari doona.