Xulka Qaranka England Oo Wembley Stadium Ku Gumaaday Bulgaria, Harry Kane Oo Saddexley Dhaliyay Iyo Three Lions Oo Euro2020 Ku Sii Dhawaanaya.

Xulka qaranka England ayaa Wembley Stadium ku xasuugay dhigooda Bulgaria kulan ka tirsanaa isreeb reebka loogu soo baxayo koobka qaramada Yurub ee Euro2020.

Xulka qaranka England ayaa 4-0 ku gumaaday Bulgaria kulankii shanaad ee Group A ee loogu soo baxayo Euro 2020 iyada oo Harry Kane uu ahaa xidigii Wembley Stadium indhaha ku xaday goolasha ugu badan ee uu xulkiisu guusha ku gaadhay.

Shaxdii Labada Xul Ee Kulankan:

BULGARIA XI (4-1-4-1): Plamen Iliev; Strahil Popov, Nikolay Bodurov, Vasil Bozhikov, Anton Nedyalkov; Georgi Sarmov; Galin Ivanov, Ivelin Popov, Kristiyan Malinov, Wanderson; Marcelinho.

Kaydka: Nikolay Dimitrov, Hristo Ivanov, Simeon Slavchev, Bozhidar Kraev, Kristian Dimitrov, Georgi Pashov, Georgi Milanov, Daniel Mladenov, Martin Lukov, Georgi Terziev, Ivan Goranov, Kiril Despodov.

ENGLAND XI (4-3-3): Jordan Pickford; Kieran Trippier, Michael Keane, Harry Maguire, Danny Rose; Jordan Henderson, Declan Rice, Ross Barkley; Raheem Sterling, Harry Kane, Marcus Rashford.

Kaydka: Tom Heaton, Nick Pope, Trent Alexander-Arnold, Ben Chilwell, Tyrone Mings, Joe Gomez, Harry Winks, Mason Mount, Alex Oxlade-Chamberlain, James Maddison, Jadon Sancho, Callum Wilson.

Daqiiqadii 24 aad ayuu Harry Kane bilaabay goolasha daadka ahaa ee xulkiisa England ku gumaaday Bulgaria kadib markii uu caawin ka helay Raheem Sterling wuxuuna Kane ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Three Lions kalsooni buuxda ku heleen.

Qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka martida loo ahaa ee England isku dayay in ay goolal kale keensadaan ayayna u suurtogalin taas oo keentay in qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 uu xulka England gacanta sare ku lahaa.

Laakiin qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Three Lions la soo baxeen qaab ciyaareed ay u adkaysan kari waayeen ciyaartoyda martida ahaa ee Bulgaria.

Daqiiqadii 49 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta ayuu Harry Kane dhalyay goolkiisa labaad oo rekoodhe ahaa kadib markii uu Bodurov qalad ku galay Rashford wuxuuna Kane ciyaarta ka dhigay 2-0 ay England hogaanka ku dheeraysateen.

Daqiiqadii 55 aad Harry Kane ayaa gool caawiye isku badalay kadib markii uu Raheem Sterling ka caawiyay in uu dhaliyo goolka saddexaad ee xulka England kaas oo ahaa midka murugada sii dhex galiyay xulka Bulgaria.

Daqiiqadii 73 aad Harry Kane ayaa saddexleydiisa kulankan dhamaystirtay kadib markii uu rekoodhe kale ku helay Bodurov kaas oo lagu ciqaabay rekoodhe labaad waxayna Three Lions goolkan ku abuureen ceeb 4-0 ah oo ay Bulgaria ku xasuuqayeen.

Harry Kane oo wali ka fikirayay in uu goolal kale helo ayaa daqiiqadii 77 aad garoonka laga saaray waxaana booskiisa soo buuxiyay xidiga dhaawaca waqtiga dheer xulkiisa kaga maqnaa ee Oxlade-Chamberlain.

Harry Kane ayaa noqday xidigii labaad oo kaliya ee qarnigan 21 aad laba saddexley u soo dhaliyay xulkiisa England, wuxuuna la mid noqday Michael Owen oo kaliya kaas oo ahaa xidiga kaliya ee laba saddexley haystay qaranigan.

2⃣ Harry Kane

2⃣ Michael Owen

1⃣ Peter Crouch

1⃣ Jermain Defoe

1⃣ Raheem Sterling

1⃣ Theo Walcott

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4-0 uu xulka England ku gumaaday Bulgaria waana kulanka shanaad ee Group A ee isreeb reebka Euro 2020.