Xulka Qaranka Argentina Oo Guul Ka Gaadhay Marti Galiyaasha Koobka Aduunka Ee Russia Iyo Tijaabooyinkii Kulankan Lagu Arkay Ee Ka Hor Koobka Aduunka.

Xulka qaranka Argentina ayaa gool soo daahay guul kaga gaadhay marti galiyaasha koobka aduunka ee Russia wuxuuna ahaa kulan khaas ah oo waxyaabo koobka aduunka lagu arki doono tijaabo u ahaa. Xulka qaranka Russia ayaa iska caabin wayn muujiyay laakiin daqiiqadii 86 aad ee dhamaadkii ciyaarta Sergio Aguero ayaa guushan ku hogaamiyay qarankiisa si uu uga baxo abaartii gool la’aanta ahayd ee uu ku soo jiray.

Waxa uu kulanka Argentina iyo Russia ku calamaadsanaa kulankii ugu horeeyay ee lagu ciyaaray garoonka  Luzhniki Stadium kaas oo ka mid ah garoomada loo diyaariyay koobka aduunka isla markaana dib u habaynta lagu sameeyay waxa kale oo kulankan markii ugu horaysay lagu ciyaaray kubbada ay dhawaan Adidas soo saartay ee Telstar 18 taas oo loo diyaariyay in koobka aduunka lagu ciyaari doono.

Waxa kale oo uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee saxiibtinimo oo ka hor diyaar garowga koobka aduunka uu xulka qaranka Russia dalkiisa kula ciyaaray Argentina waxayna la kulmeen guuldaro. Waxaana kulankan xili danbe go’aamiyay Sergio Aguero kaas oo goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay tababareJorge Sampaoli.

Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Jorge Sampaoli ayaa doonaya in ka hor koobka aduunka uu tijaabo fiican sii mariyo ciyaartoyda uu sida buuxda ugu xisaabtami doono ee liiska ciyaartoyda Russia u safri doonta qaybta ka noqon doona.

SHIXIHII RASMIGA AHAA EE AY LABADA QARAN LA SOO SHIRTAGEEN:

Russia XI: Igor Akinfeev; Viktor Vasin, Fedor Kudryashov, Georgy Dzhikiya, Denis Glushakov, Daler Kuzyaev, Konstantin Rausch, Mario Fernandes, Dimitry Poloz, Alexander Kokorin, Fedor Smolov. 

Kaydka: Andrey Lunev, Vladimir Gabulov, Ilya Kutepov, Yury Zhirkov, Igor Smolnikov, Anton Zabolotny, Aleksey Miranchuk, Anton Miranchuk, Alexander Erokhin, Roman Neustadtet, Alan Dzagoev, Dimitry Kombarov.

Argentina XI: Sergio Romero; Javier Mascherano, Nicolas Otamendi, German Pezzella; Enzo Perez, Matias Kranevitter; Eduardo Salvio, Lionel Messi, Angel Di Maria; Sergio Aguero.

Kaydka: Nahuel Guzman, Emmanuel Mammana, Federico Fazio, Leandro Paredes, Emiliano Insua, Dario Benedetto, Diego Perotti, Ever Banega, Paulo Dybala, Alejandro Gomez, Emliano Rigoni, Cristian Pavon.

Comments

comments