Xulka Algeria Oo Rekoodhayaal Ku Reebay Ivory Coast, Xili Algeria Ay Afar Dhamaadka AFCON2019 Balan Ka Samaysteen Xulka Nigeria.

Xulka qaranka Algeria ayaa rekoodhayaal 4-3 ah ku raabay dhigooda Ivory Coast kulan laysla daalay oo waqti dheeri ah la ciyaaray waxayna Algeria ku biireen xulalka Senegal iyo Nigeria oo hore afar dhamaadka koobkan ugu soo baxay.

Xulalka qaramada Algeria iyo Ivory Coast oo ka mid ahaa xulalkii loo saadaalinayay in ay koobka qaramada Afrika ku guulaysan karaan ayaa kulay laysla daalay isku haleelay waxayna labada xul isla gaadheen ilaa waqti dheeri ah laakiin waxaa qasab noqotay in rekoodhayaal lagu kala saaro.

Xulka qaranka Algeria ayaa goolkooda furitaanka helay daqiiqadii 20 aad ee qaybtii hore ee ciyaarta waxaana goolkan u saxiixay Sofiane Feghouli wuxuuna goolkani ahaa mid ay Algeria waqti dheer hogaanka ciyaarta ku hayeen.

Xulka Ivory Coast ayaan qaybtii hore ee ciyaarta awoodin in ay ciyaarta ku soo laabtaan oo ay goolka barbaraha keensadaan waxayna qaybtii hore ku dhamaatay 1-0 uu xulka Algeria guul ugu taagnaa.

Daqiiqadii 62 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta ayuu xulka Ivory Coast ugu danbayn ciyaarta ku soo laabtay waxaana goolka qiimaha wayn u lahaa u saxiixay Jonathan Kodjia kaas oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Laga bilaabo waqtigan ilaa dhamaadkii ciyaarta waxay labada xul raadinayeen goolka ay guusha ku gaadhi kareen laakiin waxay ku fashilmeen in ay wax goolal ah kala dhaliyaan 90 kii daqiiqo ee waqtigii rasmiga ahaa ee ciyaarta.

Waxay taasi keentay in 30 daqiiqo oo dheeri ah ciyaarta lagu daray balse taasi may noqon xal waxayna markale labada xul awoodi waayeen in ay goolal dhaliyaan taas oo ugu danbayn keentay in rekoodhayaal lagu kala saaro.

Laakii nasiibka xulka Algeria ayaa fiicnaaday kadib markii ay rekoodhayaal 4-3 ah ku garaaceen dhigooda Ivory Coast oo qalbi jab kaga hadhay koobka ay doonayeen in ay ku guulaysteen ee qaramada Afrika.

Xulka Algeria ayaa afar dhamaadka koobka qaramada Afrika kula biiray xulalka Senegal iyo Nigeria waxaana si toos ah wareega afar dhamaadka iskugu wajihi doona Algeria iyo Nigeria halka Senegal ay sugayaan midka caawa soo bixi doona Tunisia iyo Madagascar.