Xogtii Ugu Dambaysay Ee Dhaawaca Marcus Rashord & Haddii Uu Kasoo Muuqday Tababarkii Maanta Ee Kooxdiisa.

Advertisements

Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayuu shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa kulanka kahor kulanka weyn ee ay kooxdiisu booqanayso Liverpool toddobaadkan.

Rashford ayaa ku dhaawacmay kulankii ay xalay kooxdiisu ugu gudubtay wareega afraad ee FA Cup-ka markaas oo ay 1-0 kaga guuleysteen Wolves.

Tan iyo markii lagu qasbay xalay inuu ka baxo garoonka, Jamaahiirta Red Devils ayaa qabay wer wer weyn iyagoo ka baqaya in xiddigooda ugu fiican xillo ciyaareedkani uu seegi doono safarka Anfield.

Si kastaba, Rashy ayaa dib usoo kiciyay rajada kooxdiisa kaddib markii lagu arkay isagoo imanaya tababarkii kooxdiisa ee saaka.

Xaqiiqada ah in Rashford uusan isagu gaadhiga gacantiisa ku wadan oo lagu waday ayaa sii kordhisay cabsida horeba u jirtay laakiin kasoo qayb galkiisa xarunta tababarka ayaa wax weyn ah.

Advertisements

Ugu dambayn, 22 sano jirkan ayay kooxda tababarka ee United ku samayn doontaa tijaabin kahor kulanka ay booqanayaan Liverpool.

Advertisements