Griezmann, Matthijs de Ligt, Neymar, Coutinho Joao Felix Iyo Liiska 13-Ka Xidig Ee Gilgili Doona Suuqa Kala Iibsiga Xagaagan, Qiimaha & Kooxaha Liiskan Lala Xidhiidhinayo Oo Faah Faahsan.

2-Antoine Griezmann-Atletico Madrid

Waqtigan oo kale xili ciyaareedkii la soo dhaafay Barcelon ayaa heshiis buuxa la gaadhay xidiga kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann laakiin waxa uu go’aan ku gaadhay in uu kooxdiisa heshiis cusub u saxiixo isla markaana uu Barca iska diiday.

Laakiin Antoine Griezmann ayaa xili ciyaareedkan ka qoomameeyay in uu diiday heshiiskii uu Barcelona la gaadhay kadib markii ay kooxdiisu koob la’aan ku dhamaysatay isla markaana ay xaalad adag gashay.

Laakiin haddaba Atletico Madrid ayaa ka walwalsan in uu markale Antoine Griezmann heshiis qarsoodi ah la gaadhay Barcelona iyada oo loo arko badalka Coutinho oo fashilmay.

Manchester United ayaa wali doonaysa in ay Antoine Griezmann ka dhigato badalka Romelu Lukaku ama Alexis Sanchez kuwaas oo mustaqbalkooda Old Trafford shaki la galinayo laakiin hadda Barcelona iyo PSG ayaa ah labada kooxood ee inta ugu badan looga hadlayo xaalada Griezmann.

Haddii ay dhacdo in ay Barcelona la soo wareegto Antoine Griezmann waxa uu ka mid noqon doonaa heshiisyada ugu hadal haynta badan ee lacago badan lagula kala wareegi karo.

Laakiin kooxda PSG ayaa ilaa hadda ah kooxda Barcelona ka dul qaadi karta saxiixa xidiga reer France iyada oo Griezmann uu ogyahay in qolka labiska Camp Nou ayaan laga jeclayn sanadkan kadib go’aankii uu xagaagii hore badalay.

Antoine Griezmann waxa uu dhawaan saxaafada u sheegay in uu haddaba ogyahay halka uu xili ciyaareedka cusub ka ciyaari doono waana goob aan ahayn kooxdiisa Atletico Madrid taas oo balan qaadaysa in uu ka mid noqon doono saxiixyada ugu magaca wayn ee la samayn doono.