XOG & XUSUUS: Waa Kuwee Shanta Ciyaartoy Ee Ku Soo Wada Guulaystay Tartamada Koobka Aduunka, UEFA Champions League Iyo Premier league? Miyay Kooxdaadu Cid Ku Leedahay?

Ciyaartoyda kubbada cagta aduunka ayaa si buuxda ugu riyooda laba tartan oo kaliya oo loo arko kuwa ugu muhiimsan kubbada cagta waxayna kala yihiin koobka aduunka iyo waliba koobka kooxaha qaarada Yurub ee UEFA Champions league waana labada tartan ee ugu xiisaha badan marka la ciyaarayo.

Laakiin waxaa soo raaca horyaalka Premier league oo isna loo arko horyaalka aduunka ugu xiisaha iyo xamaasada badan balse waa kuwee shanta ciyaartoy ee nasiibka u yeeshay in ay ku soo wada guulaysteen saddexda koob ee kubbada cagta ugu xiisaha badan?.

Iyada oo lagu jiro waqtiga kulamada caalamiga, waxaanu idinla wadaagi doonaa qormooyin khaas ah oo aanu ugu magac darnay xog iyo xusuus kuwaas oo aanu ku eegi doono waxyaabo xiiso gaar ah leh oo ay tahay in wax laga ogaado.

Haddaba halkan kaga bogo shanta ciyaartoy ee nasiibka u yeeshay in ay ku soo wada guulaysteen koobka aduunka, UEFA Champions League iyo Waliba koobka Premier league:

5. Thierry Henry: France-Arsenal-Barcelona

Halyaygii hore ee xulka qaranka France iyo kooxaha Arsenal iyo Barcelona ee Thierry Henry ayaa ka mid ah shanta ciyaartoy ee ku soo guulaystay saddexda koob ee kubbada cagta aduunka loogu jecel yahay ee World Cupka, Champions League iyo Premier league.

Henry ayaa Arsenal kula soo guulaystay koobka Premier league xili ciyaareedyadii 2001-02, 2003-04 iyo 2004-05 wuxuuna koobka UEFA Champions League la soo qaaday kooxdii Guardiola ee Barcelona ee xili ciyaareedkii 2008/09.

Thiery Henry ayaa xulka qarankiisa France kula soo guulaystay koobka aduunka sanadkii 1998 kii wuxuuna sidaa kaga mid noqday ciyaartoyda khaaska ah ee taariikhdooda ku haysta saddexda koob ee aduunka kubbada cagta ugu muhiimsan isaga oo waliba ku darsaday horyaalka La liga.

Henry ayaa waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay kooxda uu hadda tababaraha u yahay ee Monaco, wuxuuna sii maray kooxda Juventus halka sanadkii 1999 kii uu Arsenal ku biiray halkaas oo uu 8 sano joogay isla markaana uu 6 koob ugu soo guulaystay.

Kadib waxa uu Henry waqti cajiib ah ku soo qaatay Barcelona balse waxa uu uga sii gudbay kooxda MLS ee New York Red Bulls isaga oo ciyaaraha ka fadhiistay December 16 2014. Henry ayaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoydii kubbada cagta ugu fiicnaa isaga oo waqti layaableh soo qaatay.

Bogga 2-aad iyo 3-aad Ka Sii Akhriso Xogta Ciyaartoydan Khaaska Ah.

16 Comments

    • Faatixtriim Axmee inta aanad wax dhaliilin waxaa muhiim ah in aad hubiso waxaad akhriyayso iyo waxaad sheegayso miyuu Fernando Torres ku guulaystay saddexda koob ee Champions League, Premier league iyo World Cup oo wada dhan? jawaabtu waa maya. qormadu saddexdan shuruudood ayay ku kooban tahay oo dhamaystiran. Mahadsanid.

    • maya walaal haddii aad warbixinta fahantay Varane ma soo galayo sababtoo ah kumuu guulaysan Premier league laakiin labada shuruudood ee kale wuu buuxiyay wuxuuna la qabaa ciyaartoy kale oo badan sida Kante oo isna ku guulaystay koobka aduunka iyo Premier league balse uu Champions League ka maqan yahay waxayna warbixintu khaas u tahay shanta ciyaartoy ee ku wada guulaystay Champions league, koob aduun iyo Premier league. Waad mahadsan tihiin dhamaan.

Comments are closed.