XOG: Xidigo Lagu Khasaaray- Saxiixyadii Fashilmay Ee Xili Ciyaareedkan Laga Sameeyay Premier league Oo Shax Laga Sameeyay, Nicolas Pepe & Christian Pulisic Oo Hogaaminaya.

Marka fasaxa laga galo kulamada horyaalada Yurub waxaa inta badan fursad loo helaa in qiimayn lagu sameeyo xogta ciyaartoyda ee kulamadii la soo ciyaaray waxaana la sameeyay shaxda kooxda ugu xun ee saxiixyadii suuqii xagaaga la soo sameeyay.

Xidiga ay kooxda Arsenal lacagtii abid ugu badnayd ka soo bixisay ee Nicolas Pepe ayaa hogaaminaya shaxda kooxda ugu xun ee saxiixyadii suuqii xagaaga.

Lacagihii badnaa ee ay kooxaha Premier League ku kharash gareeyeen suuqa ayaan noqon kuwo lagu wada faa’iiday waxaana jira kuwo haddaba fashil ku noqday kooxaha ay lacagaha ugu badan ugu soo biireen.

Wargayska The Sun ayaa sameeyay shaxda kooxda ugu liidata premier league ee ku salaysan saxiixyadii la sameeyay suuqii xagaaga ee ilaa hadda ku soo fashilmay kulamadii Premier league.

Christian Pulisic oo ay Chelsea lacag 58 milyan ah ka soo bixisay ayaa isna ku jira shaxda kooxda ciyaartoyda lagu khasaaray xagaagii la soo dhaafay ee aan ilaa hadda saamayn yeelan.

Frank Lampard  oo si wayn u aaminsan ciyaartoyda da’yarta kooxdiisa Chelsea ayaan ilaa hadda ku qancin qaab ciyaareedka Pulisic waxayna taasi keentay in uu xalaad xun ku jiro.

Xidigii hore ugu fashilmay Chelsea ee Danny Drinkwater ayaa markale fashil ah wuxuuna ku jiraa shaxda kooxda ugu liidata ee saxiixyadii ugu saamaynta xumaa ee Premeir league.

Shaxda kooxda ugu liidata ee ciyaartoyda ay kooxaha Premeir league suuqii xagaaga la soo wareegeen oo dhan.