Xog Xasaasi Ah Oo Laga Helayo Xiisihii Real Madrid Ee Kylian Mbappe & Wakhtiga Kaliya Ee Ay PSG Ka Iibin Karto Los Blancos Da’yarkan Oo La Ogaaday.

Advertisements

Waxa xogo cusub laga helayaa xiisahii ay kooxda ree Spain ee Real Madrid u qabtay da’yarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe iyadoo uu haatan wargeyska fadhigiisu yahay Spain ee Sport uu warbixin cusub kasoo saaray.

Advertisements

Mbappe ayaa sameeyay dhawr qish oo uu ku sheegayo sida uu u doonayo inuu usoo dhaqaaqo Real Madrid gaar ahaan tababaraha kooxdooda ee Zinadine Zidane taas oo ugu dambayn ku qancin karta inuu ku biiro.

Sida lagu sheegay Sport, PSG ayaan gabi ahaanba wax xiiso ah u qabin inay iska iibiso ciyaartoygeeda iyagoo aan u eegayn haddii uu diido qandaraaska cusub ee ay ka doonayaan inuu qalinka ugu duugo.

Madaxda sarre ee Paris Saint-Germain ayaan la filayn inay bedelaan qorshahooda kaga aadan Mbappe iyo iibkiisa iyagoo kooxdooda ku haysan doona ilaa maalinta ugu dambaysa ee heshiiskiisu uu dhacayo.

Real Madrid ayaa doonaysa inay Mbappe u adeegsato qaabkii ay Eden Hazard kusoo xero galisay waxaana ay doonayaan inay marka hore dalab u gudbiyaan PSG xagaaga sanadka 2021 marka uu Mbappe galayo sanadkiisa ugu dambeeya ee heshiiskiisa markaana ay qaab xor ah ku heli karaan sanadka 2022.

Sport ayaa sheegaya in wakhtiga ugu soo dhaw ee Real laga iibin karo Kylian uu yahay sanadka 2021 ee soo socda waxaana uu intaas ku darayaa in arrimaha khuseeya lacagta iyo inay xiddigan xor ku waayaan aysan wax wer wer ah oo weyn ku haynin Paris.

Ugu dambayn, Arrintan ayaa noqon karta mid ay soo faro-galiso FIFA sababtoo ah sida uu dhigayo sharciga hay’adaas qoddobkiisa 17-aad tan iyo sanadkii 2001 ayay ahayd markii ciyaartoydu ay awoodayeen inay joojiyaan heshiisyadooda kaddib marka ay kooxda saddex sano matalaan iyagoo kooxda ay rabaan loo ogolaanayay.

Advertisements