XOG: Xarunta Daraasaadka Kubbada Cagta Ee CIES Oo Shaacisay Liiska Ciyaartoyda Kubbada Cagta Ugu Qiimaha Badan. Akhriso Liiska Ciyaartoyda Boos Kasta Ugu Qaalisan Oo Dhamaystiran.

Xarunta cilmi badhista iyo daraasaadka kubbada cagta ee CIES Football Observatory oo looga bartay qiimayn joogto ah oo ay ku samayso qiimaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo kooxaha kubbada cagta ee qiimaha badan suuqa galiya ayaa markale soo saartay qiimayn ay ku soo saartay liiska ciyaartoyda kubbada cagta ugu qaalisan.

CIES Football Observatory ayaa qiimaynta ay samayso waxay ku salaysaa xogta cilmi baadhisyo badan oo ay samayso waxaana qayb ka ah qiimaha ciyaartoy kasta ee suuqa da’diisa, waqtiga ka hadhsan heshiiska uu kooxdiisa kula jiro, bandhiga uu garoonka ka dhex sameeyo iyo waxyaabo la mid ah.

Haddaba waxaa la soo saaray liiska gool dhaliyaasha, khadka dhexe, difaacyada iyo goolhayayaasha waqti xaadirkan ugu qaalisan iyada oo xaalado badan oo kubbada cagta muhiim u ah lagu qiimaynayo.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa ciyaartoyda boos kasta waqti xaadirkan kubbada ugu qaalisan iyada oo aanu marka hore xusi doono qayb kasta ciyaartoyga ugu qaalisan.

Aan ku bilawnee goolhayaha kooxda Manchester City ee Ederson Moraes ayaa noqday goolhayaha kubbada cagta ugu qiimaha badan waqti xaadirkan waxaana daraasadan lagu shaaciyay in uu ku qiimaysan yahay 102 milyan oo euros.

Difaaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti  ayaa loo aqoonsaday in uu yahay difaaca dhexe ee kubbada cagta ugu qiimaha badan waxaana qiimihiisa lagu sheegay 99.2 milyan euros.

Difaaca da’yarka ah ee kooxda Liverpool ee Alexander – Arnold ayaa loo aqoonsaday difaac danbeedka ugu qiimaha badan kubbada cagta ee booska difaacyada bidix iyo midig waxaana qiimihiisa suuqa lagu sheegay 96.4 milyan euros.

Dele Alli oo ka tirsan kooxda Tottenham ayaa noqday xidiga khadka dhexe ee ugu qiimaha badan waxaana qiimihiisa suuqa ee waqti xaadirkan lagu sheegay 163.4 milyan euros.

Gool dhaliyaha ugu qiimaha badan kubbada cagta waqti xaadirkan waxaa la wareegay da’yarka kooxda PSG ee Kylian Mbappé kaas oo qiimihiisa suuqa lagu sheegay in uu yahay 216.5 milyan euros laakiin liiska gool dhaliyaasha ugu qaalisan waxaa iska dhex waayay Lionel Messi iyo Cristaino Ronaldo.

Haddaba halkan si buuxda ugaga bogo qiimaynta xarunta CIES Football Observatory ee ciyaartoyda waqti xaadirkan ugu qiimaha badan kkubabda cagta.

Goolhayayaasha Kubbada Cagta Aduunka Ugu Qaalisan Ee Daraasadn Ku Soo Baxay:

Ederson Moraes (Manchester City) 102 Millones

Ter Stegen (FCB) 99,1 Millones

Alisson Becker (Liverpool) 90,8 Millones

Thibaut Courtois (Real Madrid) 64,1 Millones

Difaacyada Dhexe Ee Kubbada Cagta Aduunka Ugu Qaalisan Ee Daraasadn Ku Soo Baxay:

Samuel Umtiti (FCB) 99.2 Millones

Davinson Sánchez (Tottenham) 97,2 Millones

Antonio Rüdiger (Chelsea) 81,6 Millones

Virgil van Dijk (Liverpool) 80,2 Millones

Aymeric Laporte (Manchester City) 80,2 Millones

Difaac Danbeedyada Kubbada Cagta Aduunka Ugu Qaalisan Ee Daraasadn Ku Soo Baxay:

Alexander – Arnold (Liverpool) 96.4 Millones

Kyle Walker (Manchester City) 88,3 Millones

Andrew Robertson (Liverpool) 68,9 Millones

Marcos Alonso (Chelsea) 65,6 Millones

Joshua Kimmich (Bayern München) 64,2 Millones

Ciyaartoyda Kadka Dhexe Ee Kubbada Cagta Aduunka Ugu Qaalisan Ee Daraasadn Ku Soo Baxay:

Dele Alli (Tottenham) 163,4 Millones

Kevin de Bruyne (Manchester City) 150,4 Millones

Paul Pogba (Manchester Utd) 130,5 Millones

N’Golo Kanté (Chelsea) 90,6 Millones

Eric Dier (Tottenham) 90,5 Millones

Gooldhaliyaasha Kubbada Cagta Aduunka Ugu Qaalisan Ee Daraasadn Ku Soo Baxay:

Kylian Mbappé (PSG) 216,5 Millones

Harry Kane (Tottenham) 197,3 Millones

Neymar Júnior (PSG) 197 Millones

Mohammed Salah (Liverpool) 173 Millones

Philippe Coutinho (FCB) 171,3 Millones