XOG: Xaqiiqooyinkii & Xogtii Laga Ururiyay Kulankii Anfield, Qiimaynta Ciyaartoyda Liverpool & Bayern Munich Iyo Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa.

Kooxda Liverpool ayaa babraro gool la’aan Anfield kula gashay Bayern Munich kulankii lugtii hore ee wareega 16ka kooxood ee Champions league. Liverpool ayaa qaab shaki badan ku bilaabatay iyada oo difaaca kooxdeedu uu dhibaato maray laakiin markii ay ciyaartu muddo socotay waxaa ugu danbayn sal dhigtay difaaca dhexe ay ee ay Fabinho iyo Matip ku midaysnaayeen.

Natiijada gool la’aanta ahayd ee kulankii Anfield ayaa siyaabo kale duwan loo micnayn karaa iyada oo mar loo arko in ay ahayd natiijo u fiican kooxda Liverpool sababtoo ah xaalada ay ku ciyaarayeen ee dhaawacyada iyo ganaaxyada ku habsaday difaacii uu Klopp ku shaqaynayay.

Mar labaad in Liverpool ay shabaq nadiif ah kala baxday Anfield ayaa sidoo kale noqotay mid natiijo fiican loo arkay balse sidoo kale Bayern Munich ayay natiijo fiican u noqotay mar haddii ay ka badbaaday imtixaankii Anfield isla markaana ay Allianz Arena ku soo dhawayn doonto Liverpool.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool ee kulankii Anfield si la mid ah xaqiiqooyin badan oo laga diwaan galiiyay.

Aan ku horayno qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood, waxaana kulankii Anfield iyo qiimayntii ciyaartoyda ka soo baxay waxyaabo kala duwan.

Xidigii Garoonka: Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isla markaana uu muujiyay in uu ahaa xidiga khadka dhexe ee Liverpool ugu fiicnaa wuxuuna Henderson soo bandhigay mid ka mid ah qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee xili ciyaareedkan.

Waxaa kulankan qiimayn aan fiicnayn ka helay Joel Matip oo ku sigtay in uu bilawgii kulankan gool iska dhaliyo, Wijnaldum oo heerkii looga bartay ka hooseeyay iyo Firmino oo marar badan ciyaarta ka maqnaa balse shaqo fiican qabtay laakiin ka hooseeyay heerkii looga bartay.

Fabinho ayaa qiimayn heer sare ah helay kadib markii uu soo bandhigay qaab difaacasho cajiib ah isla markaana uu jamaahiirta Liverpool ka saaray walwalkii haystay.

Waxaa kulankan ceeb kala kulmay Robert Lewandowski kaas oo noqday xidiga qiimaynta ugu liidata ka helay waxaa sidoo akle qiimayn hoose helay Thiago iyo James Rodriguez halka Javi Martinez uu ahaa xidiga shaqada ugu badan u qabtay Bayern Munich.

Qiimaynta Ciyaartoyda Liverpool iyo Bayern Munich.

Liverpool: Alisson (6), Robertson (6), Matip (5), Alexander-Arnold (6) Henderson (7), Wijnaldum (5), Keita (6), Fabinho (7), Salah (6), Mane (6), Firmino (5).

Badalkii: Milner (6), Origi (6).

Bayern Munich: Neuer (6), Kimmich (6), Sule (6), Hummels (6), Alaba (6), Thiago (5), Martinez (6), Rodriguez (5), Gnabry (6), Coman (6), Lewandowski (4).

Badalkii: Ribery (6), Rafinha (N/A), Sanches (N/A).

Riix 2 si aad xaqiiqooyinkii iyo xogtii kulanan uga bogato.