XOG: Xaqiiqooyinkii Laga Ururiyay Kulankii Cajiibka Ahaa Ee Ay Man United Kaga Yaabsatay Juventus Iyo Xogta Ka Soo Baxday.

Saxaafada caalamka gaar ahaan kuwa ciyaaraha ayaa si wayn ilaa hadda uga hadlaya dhacdadii layaabka lahayd ee ay Manchester United xalay ka samaysay Allianz Stadium iyada oo United awooday in ciyaartii 1-0 hogaanka looga hayay daqiiqadii 85 aad ay iyaduna markeeda 2-1 hogaanka ku qabtay daqiiqadii 90 aad.

Haddaba waxaa jira xaqiiqooyin iyo xog laga diwaan galiyay kulankii Manchester United ay Juventus ku ciqaabtay qaladaadkii ay waqtiga danbe samaysay iyo waliba in ayna Old Lady ka faa’iidaysan fursado tiro badan oo ay ciyaarta xili horeba ku guulaysan kartay.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo koobnay xaqiiqooyinkii iyo xogtii laga diwaan galiyay kulankii Manchester United iyo Juventus halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Juventus ayaa kulankii ugu horeeyay ee UEFA Champions League ah ee marti loo yahay guuldaraysatay tan iyo markii ugu horaysay December 2009 kii markaas oo ay Banern Munich ayad kooxdii ugu danbaysay ee Juventus garoonkeeda guuldaro ku baday, waxaana ka soo dhamaaday 19 kulan oo xidhiidh ah oo ayna Juventus garoonkeeda guuldaro ku arag UEFA Champions League.

Manchester United ayaa noqotay kooxda abid ugu badan ee Juventus guuldaro ku baday garoonkeeda kulamada Champions League waxayna xalay Red Devils soo diwaan gashatay guushii 3 aad oo ay Old Lady garoonkeeda kaga soo gaadhay mana jirto koox kale oo Juventus saddex guudaro ku baday gurigeeda.

Manchester United ayaa shan daqiiqo soo laabasho ku samaysay kulan UEFA Champions League ah markii ugu horaysay tan iyo finalkii 1999 kii ee ay Bayern Munich la ciyaartay waana waqti dheer kadib in ay taariikhdan dib u soo celisay United.

Juan Mata oo kubbad laaga xorta ah ku dhaliyay goolkii rajada Man United soo celiyay ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Champions League tan iyo kulankii Wolfsburg ee September 2015 kii wuxuuna gool la’aan ahaa 11 kulan oo uu Champions League ka soo ciyaaray.

Cristaino Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Juventus ee Champions League wuxuuna ka baxay 20 darbo oo uu goolkan ku soo raadiyay iyo 453 daqiiqo oo uu gool la’aan ka soo ahaa Champions League.