XOG: Wax Badan Ka Ogow Qaabkii Uu Cristiano Ronaldo Ku Gaadhay Goolasha Qarniga Ah Ee Uu Real Madrid Uga Soo Dhaliyay UEFA Champions League.

Cristiano Ronaldo ku soo dhawoow kooxda 100ka gool, yaa xubno ka ah? kaliya hal xiddig waana Ronaldo. Labadii gool ee uu dhaliyay kulankii ay Real Madrid 3-1 xalayto uga badisay Paris Saint-Germain lugta hore ee wareega 16ka Champions League, ayaa ka dhigtay Ronaldo ciyaaryahankii ugu horeeyay ee in ka badan 100 gool oo Champions League ah u dhaliya hal koox.

Weeraryahanka waxa uu haatan dhaliyay 21 gool 12kii kulan ee ugu danbeysay ee Champions League, waxaana uu dhaliyay 11 gool todobo kulan uu tartanka ciyaaray xilli ciyaareedkan.

Ronaldo waxa uu afar gool ka sareeyaa ninka ku soo xiga rikoorka cusub ee diiwaanka galay markii ugu horeysay xalayto ee Lionel Messi. Ka dib Messi ma jiro ciyaaryahan xitaa ku dhawaanaya rikoorka gooldhalinta Champions League ee hal koox.

Halkan Hoose Kaga Bogo Xidighaa Goolasha  ugu badan ee Champions League-ga Hal Koox Oo Kaliya Inta ugu Badan U Soo Dhaliyay:

1-Cristiano Ronaldo Real Madrid → 101 Gool

2-Lionel Messi Barcelona→ 97 Gool

3-Raul Real Madrid →66 Gool

4-Alessandro del Piero Juventus →42 Gool

5-Karim Benzema Real Madrid→ 31 Gool

6-Thomas Muller Bayern Munich→ 40 Gool

7-Didier Drogba Chelsea→ 36 Gool

8-Ruud van Nistelrooy Manchester United→ 35 Gool

9-Thierry Henry Arsenal →35 Gool

10-Wayne Rooney Manchester United→ 30 Gool

Goolasha Champions League ee uu Cristiano Ronaldo U Soo Dhaliyay Real Madrid Xili Ciyaareedyadii Uu Joogay Bernabeu:

Xilli ciyaareedkii 2009-10 – 7 gool

2010-11 – 6 gool

2011-12 – 10 gool

2012-13 – 12 gool

2013-14 – 17 gool

2014-15 – 10 gool

2015-16 – 16 gool

2016-17 – 12 gool

2017 -18 – 11 gool

Ronaldo ayaa ah mid ku riyaaqaya Champions League, waxaana uu noqonayaa Mr Champions League sida xaqiiqooyinkaan soo socda aad ka dheehan karto:

Ronaldo waxa uu gooldhalinta Champions League ku guuleystay tiradii ugu badneyd ee taariikhda tartanka oo ah lix jeer.Waa ciyaaryahanka kaliya ee abid dhaliya in ka badan 10 gool lix xilli ciyaareed oo Champions League ah

Ronaldo waxa uu heystaa rikoorka goolasha ugu badan ee laga dhaliya wareega group-yada Champions League hal xilli ciyaareed gudaheed waxaana ay aheyd 11 gool uu dhaliyay xilli ciyaareedka 2015-16.

Waa ciyaaryahanka dhaliyay goolasha ugu badan ee abid hal xilli ciyaareed gudaheed laga dhaliyo Champions League – 17 gool ayuu dhaliyay xilli ciyaareedkii 2013-14.

Ronaldo ayaa ah ciyaaryahanka ugu horeeyay ee shabaqa soo taabta dhamaan kulamada wareea group-yada Champions League ee hal xilli ciyaareed.  Sagaal gool ayuu dhaliyay xilli ciyaareedkan wareega group-yada.

Sida lagu xusay shabakada diiwaanka xaqiiqooyinka ee Gracenote, Ronaldo waxa uu tartanka Champions League ka goolal badan yahay 87% kooxahii abid ka qeyb qaatay tartanka.

Marka lagu daro 15kii gool ee Champions League ee uu u dhaliyay Manchester United ka hor inta uusan ku biirin Real Madrid, Ronaldo waxa uu haatan Champions League ka dhaliyay wadar ahaan 116 gool, waxaana uu 19 gool dheer yahay weeraryahanka ku soo xiga ee Lionel Messi, waxaana uu ka goolal badan yahay 118 kooxood oo ka mid ah 137 kooxood oo ka soo muuqday tartanka Champions League.