XOG: Wax Badan Ka Ogow Koobabkii Waa Waynaa Iyo Abaal Marinihii Muhiimka Ahaa Ee Uu Pep Guardiola Ku Soo Guulaystay Kadib In Kooxdiisa Man City Koobka PL Loo Caleemo Saaray.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa halkiisa ka sii wata in uu koobab muhiim ah kaga guulaysto horyaaladii uu ka soo shaqeeyay. Guardiola ayaa hore u soo qabsaday horyaalada Spain ee La Liga iyo Germany ee Bundesliga oo uu hore rekoodhe uga soo dhigay laakiin markale ayuu rekoodh aan hore loo arag ka sameeyay horyaalka Premier league.

Pep Guardiola ayaa noqday tababarihii abid ugu horeeyay ee koobka Premier league koox kula guulaystay iyada oo shan kulan ka hadhsan yihiin xili ciyaareedka wuxuuna dhaafay Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger oo koobka Premier League ku soo guulaystay iyada oo min afar kulan ka hadhsan yihiin.

Macalinka ree Spain ayaa ku wada guulaystay koobabka horyaalada La Liga, Bunesliga iyo Premier League oo uu xili ciyaareedkiisii labaad ee England ku guulaystay. Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xogta koobabkii iyo abaal marinihii shaqsiga ahaa ee uu muhiimka ahaa ee uu Guardiola waayihiisa tababaranimo soo hantay.

Guardiola ayaa hantiyay koobkiisii 7 aad ee horyaal ah isaga oo 3 koob oo La Liga ah kula soo guulaystay kooxdiisii ugu horaysay ee Barcelona halka 3 koob oo kale uu horyaalka Bundesliga ugu soo qaaday kooxdiisii labaad ee Bayern Munich wuxuuna haddaba koobkiisii kowaad ee Premier league uu la qaaday Man City.

Guardiola ayaa 3 koob oo koobka kooxaha aduunka ee Club World Cupka kula soo guulaystay Barcelona iyo Bayern Munich halka Barcelona uu la soo qaaday laba koob oo UEFA Champions League ah.

Koobabkii Uu Guardiola Kula Soo Guulaystay Barcelona (Spain)

La Liga: 2008-09, 2009-10, 2010-11

Spanish Cup: 2008-09, 2011-12

Spanish Super Cup: 2009, 2010, 2011

Champions League: 2008-09, 2010-11

UEFA Super Cup: 2009, 2011

FIFA Club World Cup: 2009, 2011

Koobabkii Uu Guardiola Kula Soo Guulaystay Bayern  (Germny)

Bundesliga: 2013-14, 2014-15, 2015-16

German Cup: 2013-14, 2015-16

UEFA Super Cup: 2013

FIFA Club World Cup: 2013

Koobabkii Uu Guardiola Kula Soo Guulaystay Man City (England)

League Cup: 2017-18

Premier League: 2017-18

Abaal Marinaha Shaqsiga Ah Ee Uu Guardiola Ku Soo Guulaystay:

Tababarihii ugu fiicnaa kooxda sanadka ee UEFA Team of the Year Best Coach: 2008-09, 2010-11

Abaal Marinta Tababarihii Sanadka ee La Liga Coach of the Year: 2009, 2010, 2011, 2012

Abaal marinta tababarkii sanadka ee aduunka ugu fiicnaa ee FIFA World Coach of the Year: 2011