XOG: Wargayska L’Equipe Ee Dalka France Oo Soo Saaray Shaxdii Ugu Xumayd Ee Koobka Aduunka Iyo Xidigo Magac Wayn Leh Oo Ka Dhex Buuxa.

Waxaanu hore idiinku soo gudbinay shaxdii koobka aduunka ugu fiicnayd ee uu wargayska dalka France ee L’Equipe taas oo xataa ka fiicnayd shaxdii uu xidhiidka kubbada cagta aduunka ee FIFA soo saaray laakiin markale wargayska L’Equipe ayaa shaaciyay xidigihii ugu bandhiga liitay koobka aduunka oo uu ka sameeyay shaxdii ugu xumayd waxaana shaxdan ka dhex buuxa xidigo magac wayn leh.

Koobkii aduunka ee Russia lagu soo gaba gabeeyay axadii waxaa laga dhaliyay 169 gool wuxuuna laba gool oo kaliya ka hooseeyay rekoodhka gool dhalintii koobabkii aduunka ee 1998 & 2014 waxaana jiray ciyaartoy badan oo tartankan isku muujiyay iyo kuwo kale oo magac wayn lahaa oo aan heerkii laga filayay gaadhin.

Warayska L’Equipe ayaa inta badan ka duwan wargaysada kale iyaga oo aan magac wayn oo kaliya raacin waxayna sameeyaan qiimayn ay ku soo xushaan ciyaartoyda ugu fiican iyo kuwa ugu liita ee marka tartan kubbada cagta oo ah oo wayn la ciyaaro.

Haddaba shabakada Gool24 oo hore idiinku soo tabisay shaxdii koobka aduunka ugu fiicnayd ee wargayska L’Equipe soo saaray ayaa markale halkan idiinku haysa shaxda kooxdii ugu xumayd koobka aduunka ee uu isla wargayska L’Equipe ku soo saaray halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Wargayska L’Equipe ayaa goolhayihii ugu liitay koobka aduunka u doortay Willy Caballero oo qaab ciyaareed musiibo ah ku soo bandhigay xulka qarankiisa Argentina laakiin waxaa shaxdan a soo wada muuqday saddex xidig oo magac wayn leh isla markaana xulka qaranka Germany ka wada tirsan.

Mesut Ozil, Sami Khedira iyo waliba Thomas Muller oo ka wada tirsan xulka qaranka Germany ayaa shaxda kooxda ugu liidata ee koobka aduunka ka soo wada muuqday.

Halkan Si Buuxda Ugaga Bogo Shaxda Kooxda Koobka Aduunka Ugu Liidatay Ee Uu Soo Saaray  L’Equipe

Goolhaye – Willy Caballero (Argentina)

Difaaca – Lukasz Piszczek (Poland), Edson Alvarez (México), Oscar Duarte (Costa Rica), Maciej Rybus (Poland)

Khadka Dhexe – Jacek Góralski (Poland), Sami Khedira and Mesut Özil (Germany)

Weerarka – Thomas Müller (Germany), Pione Sisto (Denmark), Kelechi Iheanacho (Nigeria)

Wargayska Caanka Ah Dalka France Ee L’Equipe Oo Ku Dhawaaqay Shaxda Ugu Fiican Ee Ay Koobka Aduunka Ka Sameeyeen Iyada Oo Bandhigii Ciyaartooyda Lagu Salaynayo-Ayaa Ka Soo Muuqday?