XOG: Waa Tartankii Abid Ugu Adkaa Ee Kaalmaha Sare Ee Premier League-Halkan Kaga Bogo Sawirada & Xogta Layaabka leh Ee Dagaalka Kaalinta 3-Aad & 4-Aad Ee Premier League.

Kooxaha Arsenal, Tottenham, Man United iyo Chelsea ayaa si aan hore loo arag ugu dagaalamaya kaalmaha saddexaad iyo afraad ee Premier league, waxaana lagu qeexay in uu yahay dagaalkii abid ugu adkaa ee loo soo galay kaalmaha sare ee Champions league loogu soo baxo.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sawirada iyo xogta layaabka leh ee muujinaysa dagaalka aan la rumaysan karin waxaanad fahmi doontaa sida ay kooxaha Tottenham, Man United, Arsenal iyo Chelsea uu midba markiisa u soo haystay fursad cajiib ah balse ay soo lumiyeen.

Waxaa naga xusuusin ah in tartanka culus ee kaalmaha saddexaad iyo Afraad uu sii xoogaystay kulamadii 25 aad ee ee Premier League kuwaas oo la ciyaaray  horaantii Bishii February waana kadib xogta aanu halkan idiinku haynaa markii ay wax walba isbadaleen.

Haddaba halkan si buuxda ugaga bogo dhibcihii ay min kulamadii 26 aad ilaa 35 aad soo kala heleen kooxaha Man United, Arsenal, Chelsea iyo Tottenham iyo qaabkii wareerka ahaa ee ay xaaladu isku soo bad-badalaysay.

Kulamadii 26-Aad Ee Premier league- Bishii February 9-10

Kulamadii 27-Aad Ee Premier league- Bishii February 23-24

Kulamadii 28-Aad Ee Premier league- Bishii February 26-27

Kulamadii 29-Aad Ee Premier league- Bishii March 2-3

Kulamadii 30-Aad Ee Premier league- Bishii March 9-10

Kulamadii 31-Aad Ee Premier league- Bishii March 16-17

Kulamadii 32-Aad Ee Premier league- Bisha March 30-31

Kulamadii 33-Aad Ee Premier league- Bisha April 2-8

Kulamadii 34-Aad Ee Premier league- Bisha April 13-15

Kulamadii 35-Aad Ee Premier league- Bisha April 20-22 

Sida aad xogtan ku soo aragtay ma jirto hal koox oo ka mid ah kooxahan afarta ah oo kalsooni buuxda ku qabta in ay xili ciyaareedka soo socda ka mid noqon karto UEFA Champions league maadaama oo ay xaaladu tahay mid aan la saadaalin karo oo haddaba si aan la rumaysan karin isku badalaysa.

Laakiin waxaa naga xusuusin ah in Chelsea ay ciyaartay 35 kulan waxayna hal kulan dheertahay kooxaha ay la tartamayso ee Tottenham, Arsenal iyo Man United oo min 34 kulan ciyaaray waxayna Blues axada la kulmi doontaa Man United waana kulan saamayn wayn yeelan kara.

Haddaba akhriste, adiga oo xogtan adeegsanaya, labadee kooxood ayaad filaysaa in ay seegi doonaan u soo bixi taanka UEFA Champions League ee xili ciyaareedka soo socda?