XOG: Waa Kuwee Goolhayayasha Xilli Ciyaareedka Qaladka Ugu Badan Ee Gool Sababay Soo Sameeyay, Alisson Becker Oo Si Layaab Leh Uga Soo Dhex Muuqday.

Goolhayaha kooxda Manchester United ee David De Gea ayaa dhawaanahan soo sameeyay bandhigyo si weyn loogu eedeeyay, Walow inta badan ciyaartoyda kooxda la dhaleeceeyay kaddib fashilkii Everton hadana eedaynta ayuu markale door weyn ku lahaa DDG.

Hagaag, Mid kamid ah dhinacyada uGu fiican ee la isku bar-bardhigo goolhayasha Premier League ayaa ah qaladaadka ay soo sameeyeen xilli ciyaareedka oo dhan waliba kuwooda gool in laga dhaliyo ku hoggaamiyay kooxdooda.

Bogga rasmiga ah ee Premier League ayaa lagu soo bandhigay xogtan oo laga helay isha xog ururinta kubadda cagta caalamka ee Opta waxaana ay muujisay in De Gea uu kaliya soo sameeyay laba qalad guud ahaan xilli ciyaareedka.

Dabcan maaha wax wanaagsan laba qalad balse marka lala bar-bardhigo qaladaadka ay sameeyeen goolhayayasha Asmir Begovic iyo Jordan Pickford oo micno weyn ugu fadhiya kooxahooda ayaa ka dhigaya wax yar.

Dabcan xogtan ayay layaab ku noqotay in goolhaye Alisson Becker oo xilli ciyaareedkan soo sameeyay shabaq ilaashiga ugu badan uu sidoo kale soo sameeyay 3 qalad waana tiro ka badan De Gea oo dhawaan eedayn badan la kulmay.

Dabcan Alisson ayaa si weyn ugu soo raaxaystay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee uu ku qaadanayo Anfield laakiin marka laga hadlayo qaladaadka ayay tahay in loo xisaabiyo sida De Gea.

Halkan Kaga Boggo Goolhayayasha Qaladaadka Ugu Badan Soo Sameeyay Xilli Ciyaareedkan:

1. Asmir Begovic – 5

2. Jordan Pickford – 4

=3. Alisson Becker – 3

=3. Martin Dubravka – 3

=3. Bernd Leno – 3

=6. David de Gea – 2

=6. Ben Hamer – 2

=6. Sergi Rico – 2