XOG: Talyaanigu Waa Goobta Fashilka Barcelona – Kooxda Tababare Valverde Oo Xog Ka Nixinaysa Heshay Kahor Kulanka Caawa Ee Inter Milan

Kooxda tababare Ernesto Valverde ee Barcelona ayaa heshay xog naxdin ku ah kahor kulanka muhiimka ah ee ay caawa la yeelan doonaan kooxda horyaalka Talyaaniga ee Inter Milan oo ay ku booqanayaan Stadio Giuseppe Meazza (Ex-Sansiro).

Marka laga yimaado in Barcelona ay ilaa haatan natiijooyin fiican ku naaloolansyo kulamada Champions League ee heerka Group-yada haddana u bixitaanka Italy ayaa ah mid werwer yar gelin karta iyaga oo aan ka wer-werayn kulanka balse ka wer-weraya xusuusihii ugu dambeeyay ee ay dalkaas kala soo laabteen.

Haddaba, Sheekada dhibaatada weyn galin karta Blaugrana ayaa ah xusuusaha kulamadii xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay ee ay lasoo dheeshay kooxaha horyaalka Talyaaniga ee Juventus iyo AS Roma kuwaas oo labaduba kasoo naxsaday Barca.

Juventus ayaa cel-celis guud ahaaneed oo 3-0 ah uga adkaatay kooxda ree Catalonia oo uu wakhtigaas watay Luis Enrique halka ay Roma goolal guud ahaaneed oo 4-4 ah ay uga cidhib-tirtay tartanka isla markaana ay ku reebtay sharciga goolasha ee kulamada UEFA.

Guuldaradii Di Francesco iyo kooxdiisa Roma ay badeen Barcelona xilli ciyaareedkii hore ayaa ahayd natiijadii ugu adkayd ee ka dhaadhici wayday kooxdan oo qaab wacan markaas ku jirtay kulamada maxaliga ah gaar ahaan horyaalka.

Lionel Messi ayaa munaasabado dhawr ah si cad uga sheegay in kulankaasi uu ahaa mid ay adagtahay in suurogalnimo lagu qaato maadaama oo ay kulankii lugta hore kusoo adkaadeen goolal 4-1 ah.

Natiiada kulankaas ayaa ahayd mid gabi ahaanba qabsatay quluubta shaqsiyaadka ku xidhan Barcelona maadaama oo ay lumiyeen muhiimadii koowaad ee ay lahaayeen oo ahayd hanashada Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, Kooxda Luiciano Spalleti ee Inter Milan ayaa ka shidaal qaadan karta wadadii ay mareen kooxaha dalkeedu labadii sano ee ugu dambeeyay isla markaana ku dhiiran karta inay isku dayaan sidii ay saddexda dhibcood kaga heli lahaayeen Barca.